Axmed Madoobe oo Kismaayo kusoo bandhigay cududa ciidanka Jubbaland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaarinayo xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe iyo isku furista Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo waayadii u danbeeyay tababar iyo isku habayn lagu waday.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Taliyayaasha Ciidamada ugu Sareeya iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowlada waxaa uu kormeeray Ciidamadan oo ay kamid yihiin qaybo loogu tala galay Xasilinta iyo sugida Amniga Magaalada Kismaayo inta ay howlgaladu socdaan isagoo ku booriyay in ay u diyaar garoobaan howlgalo qorshaysan iyo abaabulka Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ciidamadan waxaa ay xorayn doonan Degmooyinka Jamaame Jilib iyo Badhaadhe oo ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe kuwaas oo Argagixisada laga saari doono maalmaha soo socda sida uu Madaxweynahu sheegay iyadoo sidoo kale Ciidamadan qayb kamid ah oo katirsan Ciidamada Booliska ay sugi doonan Amniga Caasimada KMG ah inta howlgaladu ay socdaan iyadoo ay si dhow ula shaqayn doonan laamaha kale ee amniga sida uu sheegay Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xusay in mudo dheer ay sugayeen in la bilaabo howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe balse ay in badan ka cago jiidayeen Ciidamada AMISOM taas oo la mid ah howlgalkii lagu xoreeyay Magaalada Kismaayo iyo Degmooyinka kale ee Jubbaland oo markii ay dhaqaaqi waayeen Ciidamada AMISOM ay howlgalka bilaabeen Ciidamada Soomaalida oo kaliyah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Howlgalada hada socda ay kali ku yihiin Ciidamada Jubbaland balse ay macquul tahay in qaybaha danbe ay kusoo biiraan AMISOM iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta si Argagixisadu aysan jaanis ugu helin in ay isku gurmadaan.

Bulshada ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay guntiga dhiisa isaga dhigaan oo ay garab istaagaan Ciidamada kana qayb qaataan howlgalka socda isagoo xusay in ay ilaa hada door muuqda kaga jiraan shaqada socota balse loo baahan yahay in ay intaas kasii badiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM