Baaritaan lagu sameeyay Wasaaraddo katirsan Xukuumadda Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Gollaha Wasiiradda ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir-goddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay Xaalada amaan ee dalka, Faah-faahinta Geedi-socodka dayn cafiska Soomaaliya, Hanaanka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciiid Muuse ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid si wanaagsan u socda, ciidamaduna ay xoogga saarayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda.

Isagoona tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin sii jeclaysiinaysa shaqadooda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in dakhli aruurinta guduhu ay gaartay rubucii hore ee sanadkan halkii ugu sareysay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in Hay’adda IMF iyo World Bankigu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daaymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya.

Hanti dhowraha Qaranka Soomaaliyaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xog-aruurin ay ka sameeyeen 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, waxa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lagama maarmaan tahay in ay ugu gudbiso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nambarkiisu yahay 317.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyay sida habsimada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hada, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay in ay dar-dargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM