Deni: Afgembigii fashilmay wuxuu Itoobiya u horseedayaa wadajir

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Jamaaludiin Mustafe Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaaradda dalkaasi ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka ay wadaqaateen weftiga Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inuu ku faraxsan yahay muddo dheer ka dib inay safiirka Puntland ku yeeshaan kulan shaqo oo muhiimaddisa leh.

"Waxaa caawa magaalada Garoowe safar shaqo noogu yimid safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo saldhiggiisu yahay magaalada Muqdhisho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa safiirka oo ah shaqsi muddo dheer Soomaaliya kasoo shaqeeyey, waxa uu ka shaqeeyey dalka wakhti adag oo aan u baahnayn taageerada caalamka".

"Waan ku faraxsanahay in aan Garoowe isku aragno anagoo muddo badan soo wada-shaqaynay magaalada Muqdisho xilligii aan Wasiirka qorshaynta ka ahaa asna uu qunsulka ka ahaa". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in ay weftiga safiirka wadayeesheen shir muhiim ah oo looga hadlayo xiriirka guud ee dalka Itoobiya iyo Soomaliya, gaar ahaan Puntland ee arrimaha ganacsiga iyo amaanka.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa dowladda Itoobiya uga tacsiyeeyey masuuliyiintii ku nafwaayey qalalaasihii ka dhacay dalkooda todobaad ka hor, waxaa uu sheegay in talaabadaasi noqoto mid ay ka bartaan cashar oo u horseedda wadajir iyo horumar.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Musatafe Cumar ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahadnaqay qaabilaadda iyo soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu sheegay inay Madaxweynaha ka wada-hadleen xidhiidhka wadashaqayneed ee labada dhinac.

"Mudane Madaxweyne waan kuugu hambalyeynayaa shaqooyinka wanaagsan ee kuu qabsoomay mudada aad joogtey, waxaan Madaxweynaha ka wadahadalnay xoojinta Iskaashiga soo jireenka ah ee Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga, waxaan xoojinaynaa wada-shaqaynta ka dhexaysa Qunsuliyadda iyo Puntland, ka safaarad ahaanna diyaar ayaan u nahay wada-shaqaynta Puntland," ayuu yiri safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Puntland State House

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM