Dhuxulow: waa been warka sheegaya in Ebola soo gaarey Somaliya

Image

January 3, 2015 (GO)- Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hubsado wararka idaacadaha qaar iyo website-yada ay qorayaan ee ku aadan in shaqsi Soomaali ah lagu arkay calaamadaha cudurka Ebola. Dowladda Federaalka waxey caddeyneysaa inaysan jirin wax caddeymo ah oo la xiriiria arrintaas.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisey inaysan jirin caddeymo la xiriira wararka ay idaacadaha qaarkood iyo website-yada qorayaan. Cudurka Ebola waa halis waxuuna u baahan yahay inaan shacabka Soomaaliyeed lagu abuurin shaki iyo qalqal iyadoo aysan jirin wax caddeyn ah oo arrinkan xaqiijinaya. Idaacadaha iyo dhammaan warbaahinta waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah oo ku aadan in wararka ay shacabka gaarsiinayaan ay yihiin kuwa la hubo oo dhan walba caddeymahooda laga hayo.

Wasaaradda Warfaafinta waxey la xiriirtay idaacadahaas qaarkood oo sheegey inay raalli gelin ka bixinayaan wararkii ay horey u sheegeen oo been abuurka ahaa.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa warkiisa ku soo gabogabeeyey “Dowladda Federaalka waxey xaqiijinaysaa inaysan jirin calaamado muujinaya cudurka Ebola in dalka laga helay, sidaas daraadeed, shacabka Soomaaliyeed yaan lagu abuurin tashwiish iyo shaki aan jirin. Dowladdu horey bey uga tabaabusheysatay khatarta cudurka Ebola oo dhammaan garoomada diyaaradaha ay joogaan khubaro baaraya dhammaan dadka ka yimaada waddamada Ebola laga helay. Cid allaale iyo cidii shaki ka galo waxaan la socodsiineynaa inay Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ay si toos ah ula soo xiriiraan. Sidoo kale dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay Dowladda Federaalka kala shaqeeyaan wax allaale iyo waxii khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto cudurada dilaaga ah ama kooxaha argagaxisada ee dhibaateeya shacabka.”

DHAMAAD

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM