Farmaajo oo ka baaqday Shir caalami ah, una diray Wasiirka Arrimaha Dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweye Farmaajo ayaa ka qeybgalaya shir madaxeedka 30-aad ee Carabta oo maanta ka furmaya dalka Tunisia.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wafuud kala duwan oo ka socda dunida carabta, oo ay ku jiraan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carbeed, iyadoo dowladda Federaalka la filayay inuu uga qeybgalo Farmaajo, balse uga baaqday sababo aan la sheegin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda DF ayaa sheegtay in Shir madaxeedka looga hadlayo dhowr arrimood oo ay kamid yihiin arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya, isagoo carabka ku adkeeyay in Goolan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa'iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato sida uu qabo Qaanuunka Caalamiga, baaq aqoonsi oo ka soo yeera dowlad kastana aanu waxba ka bedeleyn xaaladda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartey go'aan lala soo daahay, oo ay ku cambaareysay Mowqifka Trump ee Buuralayda Goolan ee dhulka Suuriya, oo Mareykanka uu si sharci darro ah u siiyay Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM