Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey heshiis caalami ah

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Heshiiska goluhu ay meel mariyeen oo ay wada gaareen 55 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa qeexaya in dhammaan wadamada saxiixay heshiiskan ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa si xur ah.

Ujeeda aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha.

Janaayo 2012 ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku bahoobay midoowga Afrika shirkoodii 18aad oo ka dhacay Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagu ansixyay in la aasaaso Aaagga Ganacsiga Xorta ah ee Africa (AfCFTA).

Kulanka maanta oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda COVID-19 ayaa waxaa guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM