Jubbaland oo shuruud ku xirtay ka qaybgalka shir uu Farmaajo iclaamiyey

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Qorshaynta ee maamulka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] uusan soo xaadiri doonin shirka Gollaha Amniga Qaranka oo uu Madaxwayne Farmaajo ku baaqay.

Shirka oo lagu wado inuu magaalo madaxda dalka ee Muqdisho ka qabsoomo 17la illaa iyo 18-ka bartamaha bishaan September ee 2018 ayaa sida lagu xusay War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya in looga arrinsanayo arrimo muhiim u ah dalka.

Baaqa Madaxwaynaha ayaa yimid saacado kadib markii War-muriyeed kasoo baxay Shirkii Magaaladda Kismaayo ugu gabagaboobay Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda, kaasoo ay ku sheegeen inay hakiyeen wadashaqayntii dowladda kala dhaxaysay.

Wasiir Aw-Xirsi oo qoraal kooban soo dhigay Bogiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayaa tibaaxay in marnaba maamulkiisa uusan shirkaan kasoo qaybgeli doono, maadaama ay joojiyeen xiriirkii wadashaqayneed ee kala dhaxaysay dowladda Federaalka.

"Inkasta oo Gollaha Iskaashiga maamuladda uu ku dadaalayo in la helo wada-hadal wax ku ool ah oo lala yeeshaan Xukuumaddayada Federaalka oo raadineysa xal xeeldheer oo la xidhiidha hannaanka ku-meel-gaadhka ah ee waddanka, lama filayo inaan ka soo qaybgalno shirka Golaha Ammaanka Qaranka ee soo socota, sida lagu xayeysiiyay barta Twitter-ka ee xafiiska Madaxwaynaha," ayuu uqornaa qoraalka Wasiirka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si cad daboolka uu uga qaaday in maamulkiisa uu ka sugayo Madaxtooyadda Soomaaliya inay jawaab cad ay kasoo bixiso gabi ahaanba War-muriyeedka Shirkii saddexaad ee Gollaha Iskaashiga maamuladda iyo dhaliilaha loogu jeediyey.

"Waxaan haatan ka sugeynaa Villa Soomaaliya inay si qoto dheer uga hadlasho, ayna meelayso digniinta khatarta ah ee lagu sheegay War-murtiyeedka Shirka Saddexaad ee Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda," ayuu raaciyay.

Jubbaland ayaa wuxuu noqonayaa maamul goboleedkii ugu horeeyay ee ka tirsan Gollaha Iskaashiga dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka, kaasoo ka horyimid shirka uu ku baaqay Madaxwaynaha, lamana ogga mowqifka kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM