Madaxii Sirdoonka Al-shabaab oo lagu diley duqeyn diyaaradeed

Image

Muqdishu, Dec 30,2014- Howgal ay xalay iska kaashadeen Hayadda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka  Somaliyeed iyo dhigooda  Mareykanka, ayaa  waxaa lagu qarajiyen meel25-KM   u jirta Saakow, Amiirkii Amniyaadka iyo  Sirdoonka maleeshiyada Al-shabaab oo  lagu magacabi jiray Cabdishakuur – islamarkaana kooxda Shabaab ay u yaqaaneen Tahliil , kaa soo dhawaan ay ku badaleen Sakariya oo hada gacanta NISA kujira.

Sidoo kale Horjoogahaas weerarka duqeynta cirka lagu dilay ayaa waxaa sidoo kale la geeriyooday 2 qof oo ka tirsanaa kooxda Shabaab oo kala ahaa horjoogayaal iyo Maleeshiyo, kuwaasoo   aan magacyadooda aan dib u soo bandhigi doono.

Dhanka kale waxaa soo baxayay warar sheegaya in Horjoogihii kooxda Shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka ee lagu macagaabo  Sakariye u gacan galay dowlad kale, taasoo ah warar been abuura, waxaana Sakariye uu ku jira gacanta NISA, Hayadda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka. 

Xiliyada soo socda ayeey dowladda Soomaaliya kasoo saari doonta warbixino dheeraad ah.

Mahadsanid.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM