Puntland Focus Group oo u jawaabtay Madaxtooyadda Puntland

Image

Anaga oo ah Puntland Focus Group markaan maqalnay waraysiga BBC-du la yeelatay Afhayeenka Dawladda Puntland, Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan-Jecel), kaas oo uu ku sheegay in arimaha doorashooyinka Dawladda Puntland ee 2019 iyo habka ay u dhicidoonto doorashadaasi ay masuul ka yihiin Guddiga Ku-Meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, waxaa Puntland Focus Group muhiim u aragtay in jawaab kaafi aan ka bixino amuurtan cusub ee aan waafaqsanayn Dastuurka Dawladda Puntland ee Soomaliyeed.

1 - Madaxweynaha Dawladda Puntland waa in uu ixtiraama, kuna dhaqmaa Dastuurka Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, khaasatan qodobka 60aad, farqadiisa (3) iyo qodobka 79aad. Qodobadaas ayaa waxaa ay leeyihiin; a) Qodobka 79aad wuxuu leeyahay, “Muddada xilhaynta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Kigeenku waa shan (5) shano, laga bilaabo maalinta natiijada Doorashada lagu dhawaaqo…” b) Sida oo kale, Qodobka 60aad, farqadiisa 3aad ee Dastuurka Dawladda Puntland ee Somaaliyeed wuxuu leeyahay “Muddada Golaha Wakiiladu waa shan (5) sano, laga bilaabo maalinta natiijadda doorashada lagu dhawaaqo.”

2 - Gudiga Doorashooyinka Puntland ma ah mid qaabilsan doorashada Madaxweynaha Dawladda Puntland, ee waa mid qaabilsan doorashooyinka Dawladdaha Hoose ee ku dhisnaandoona habka axsaabta badan.

3 - Sidaas darteed, waxaa Madaxweynha Dawladda Puntland looga baahan yahay in uu si deg deg ah, cad, oo geesinimo ku jirto ugu sheego shacabka reer Puntland in doorashada soo socota dhicidoonto sideeda bisha kowaad ee sanadka 2019. Waxaa Puntland Focus Group ka digeysaa in Madaxweynuhu uu isku dayo kororsi, xaaraan iyo sharcidaro ah, maadama amuurtaasu horseed u noqonkarto qalalaase siyaasadeed iyo nabad gelya xumo soo deg degta.

4 - Qodabadii ay Puntland Focus Group war saxaafadeedkeedi ugu danbeeyey ku soo saartay, Madaxweynaha Dawladda Puntland jawaab dhamaystiran weli kama bixin. Sidaas darteed, waxaa bulshadda reer Puntland iyo Puntland Focus Group uga fadhidaa in uu si deg deg ah ugu soo jawaabo amuuraha khuseeya masiirka shacabka reer Puntland.

5 - Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Xukuumadda uu hogaamiyo waxaa Puntland Focus Group mar kale ogaysiineysaa in uu arimaha difaaca iyo nabad gelaya shacabka iyo dhulka Dawladda Puntland ka dhigo kaalinta kowaad ee howl qabadkiisa.

6 - Maadama lagu jiro wakhti Dawladda Puntland jiritaankeeda rasmiga ah ay uga hadhay mudo 7 bilood ah, waxaa Puntland Focus Group Madaxweynaha Puntland uga digeynaa in aanu saxiixi heshiisyo wax u dhimikara jiritaanka, mustaqbalka, dhaqaalaha iyo siyaasada Dawladd Puntland.

7 - Waxaa Puntland Focus Group si xushmad iyo qadarin mudan uga codsaneysaa Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in ay ixtiraamaan jiritaanka, Dastuurka iyo rabitaanka shacabka reer Puntland. Waxaad ogaataan in muddo kororsi iyo is waafajin doorashooyin kala dastuur iyo kala xili ahi ay toos uga hor imaaneyso nidaamka Federal- ka iyo is-maamulka ah ee waddanka u yaala. Waxaan ka digeynaa in arimahaas aan la samaynin maadama ay ka dhalan karto qalalaaso siyaasadeed iyo deganaansho la’aan soo deg degta.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdullahi Axmad Jaamac (Ilka Jiir)

Cabdi Faarax Saciid (Juxa)

Cabdirisaaq Jaamac Muse (Jana Gale)

Cali Xaaji Warsame


Faarax Cali Shire

Jamiila Saciid Muuse

Xaji Maxamed Yaasin Ismaacii

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)

Khalif Ciise Mudan

Dr Maxamed Salaad Cali (Qoryooley)

Maxamud Axmad Xasan ( Dhagaweyne)

Saciid Cabdullahi Deni

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa), Af-Hayeenka Puntland Focus Group,

Email: dhollowaa2013@gmail.com

Telka Gacanta: (Australia) +61469728645

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM