​Puntland: Taliyaha Booliiska oo ka hadlay sababta shaqada looga joojiyay

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay waraaq shalay kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Puntland kaasoo lagu sheegay in shaqada looga fariisiyay taliye Ereg.

Isago shir jaraa'id ka hadlayay taliyaha ayaa tilmaamay in arrintan ka dhalatay maxaabiis laga sii daayay saldhiga dhexe ee magaalada Garowe kuwaasoo sii dayntooda loo maray sifo sharciga waafaqsan sida uu hadalka u dhigay.

"Shalay waxaa isoo wacay Madaxweyne ku-xigeenka oo wax iga weydiiyay inaan la socdo 12 arday oo saldhiga dhexe Garowe laga sii daayay, waxaan u sheegay inay jirto sifo sharciyana loo maray," Ayuu yiri Ereg.

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne ku-xigeenku ku amray inuu shaqada ka fariisiyo taliyaha qaybta, balse uu ka codsaday inuu warqad soo qoro, balse badalkeeda lagu wargaliyay in lasoo saari doono midii isaga(Ereg) shaqada looga fariisin lahaa.

"Aniga waxaan ku iri Madaxweynaha soo qor warqad si shaqada looga fariisiyo taliyaha, laakiin wuxuu igu yiri afka uga sheeg, waxaan ku celiyay qof shaqadiisa gudanaya afka howshiisa ugama fariisin karo," Ayuu yiri taliyuhu, isagoo sii raaciyay in Madaxweyne ku-xigeenku ku yiri, "Waxaan soo saari doonaa warqadii aan shaqada kaaga fariin lahaa, sidaas ayay arrintu u dhacday."

Cabdulqaadir Ereg ayaa xusay in 21 bishan taliye Muxiyadiin soo xiray 13 qof oo labo kamid ah ay qabeen cudurka TB-da halka kuwa kale ay ahaayeen Arday, kuwaasoo lagusoo eedeeyay inay ahaayeen burcad.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in dadkaas la sii daayay 26 bishan markii lagu waayay wax dambi ah mas'uuliyiin katirsan maxkamadana ay booqdeen Saldhiga islamarkaana codsadeena in la cadeeyo kiiskan maxkamadana la keeno.

Ereg ayaa sheegay in waddanka sharci iyo nidaam uu leeyahay islamarkaana aysan cidna jabin karin.

Warsidaha Garowe Online ayaa shalay markii ugu horaysa baahiyay arrintan.

Maaha markii ugu horaysay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland shaqada ka fariisiyo mas'uuliyiin dowladda katirsan xilli Madaxweynuhu waddanka ka maqanyahay, balse badankooda dib ayaa loo soo celiyaa iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin sababta looga noqday go'aankii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM