Soomaaliya oo dalab u gudbisay Shirweynaha Midowga Isgaarsiinta Adduunka

Image
Image
Image

DUBAI - Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii isgaarsiinta iyo teknolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maamul-wanaagga, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ay teknolojiyadu keeni karto.

Isagoo ka hadlayay Shirweynaha Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ee ka soconaya magaalada Dubai, ayuu Wasiir Cashuur carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xirnaan doono hadba si aan u horumarino awooddeena dhinaca teknolojiyada.

Wasiirka oo adduunyada uga warbixinayay horumarka uu dalkeenu ka sameeyay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, wuxuu xusay inay jiraan caqabado badan oo dalalka soo koraya aysan kaligood wax ka qaban karin, loona baahan yahay in dalalka horumaray iyo kuwa soo karayaba ay ka sameeyaan iskaashi iyo wax-wadaqabsi.

Dalkeena ayaa u gudbiyay Shirweynaha ITU qaraar tirsigiisu yahay 160, kaas oo ay soo ansixiyeen fadhiyada ITU ee heer gobol qaaradda Afrika iyo Carabtaba.

“Waxaan si xushmad leh u weydiisaneynaa dalalka xubnaha ka ah ITU inay taageeraan qaraarkan Soomaaliya ka caawinaya sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaasha iyo awoodda isgaarsiinta iyo teknolojiyada,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada-shaqeyn iyo iskaashi la yeelato dalalka dhiggeena ah.

Shirweynaha ITU waa kulan afartii sanaba mar la qabto oo lagu doorto hoggaanka ururka, isla markaana lagu go’aamiyo qorshaha afarta sano ee socota ee ururka oo ay ku jiraan go’aamada la xiriira dalalka ama arrimaha ka dhexeeya dhammaan xubnaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM