Villa Soomaaliya oo ka hadashay kulankii Farmaajo iyo Abiy Axmed

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Farmaajo oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka AlShabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobadda la isla soo qaadey ay kamid tahay xiisada u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee salka ku haysa muranka xuduud badeedka oo dacwadiisa ay maxkamada cadaalada aduunka hortaalo.

Abiy Axmed ayaa isbuucan waxa uu sheegay in uu doonayo dhex-dhexaadinta labada dowladood, kuwaasi oo haatan ay ka dhex-aloolsan tahay xiisad diblumaasiyadeed.

Dhamaadka sanadkan ayaa waxaa la filayaa in maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ ay go'aan kasoo saarto kiiskan oo ay Soomaaliya gudbisay sanadkii 2014-kii.

Villa Somalia + GO

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM