Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo Cambaareeyey Kufsi Waddareed ka dhacey Gedo

Image

Anagoo ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxaan wadajir u saarney warsaxafadeedkaan 

CAMBAAREYN

Waxaan cambaareynaynaa xadgudubyada joogtada ah sida; kufsiga iyo ku xadgudubka joogtada ah ee lagu hayo sharafta dadka, Dilka dadka iyo xoolaha, Duminta iyo dhaca hantida dadka Soomaaliyeed iyo Guud ahaan xadgudubyada dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolka Gedo ay ku hayaan ciidamada shisheeye ee ka soo gudbay waddamada deriska ah,  iyagoo ku soo gabanaya la dagaalanka argagaxisada & ogolaansho dowli ah. Waxaan u sheegaynaa si cad:

Inaan la aqbali karrin kufsiga iyo xadgudubka lagu sameynayo dadka gobolka ku nool oo ay ugu dambeysay kufsi wadareedkii ciidanka KDF ee Kenya kula kaceen 5-gabdhood 24ka Luulyo 2018.

Inaan dadka shacabka ah iyo xoolaha Gedo joogaa aheyn Argagaxiso oo aysan jirin cid xaq u leh inay waxay rabto ka sameyso.

In waxa loogu fasaxay gobolka iyo guud ahaan dalka ay tahay la dagaalanka argagaxisada loona baahan yahay inay ku ekaadaan la dagaalanka argagaxisada. Waxaan ognahay in marar badan ay laayaan shacab xoolo dhaqato ah.

Waxaan kale oo u sheegaynaa in xisaabi jirayso oo aan la iska hilmaami doonin dadka iyo hantida (Mood & Maal) ee la baab’inayo si kutala gal ah.

Waxaan la aqbali Karin in hay’adaha dowladda heer dhexe iyo mid maamul goboleedka Jubbaland ku fiirsadaan tacadiyadaas dadka shacabka ah loo geysanayo waxaan cod dheer ugu sheegaynaa inay degdeg uga howlgalaan joojinta faldambiyeedyadaas iyo dabagalka kuwii hore, waana in caddaalada la hor keenaa cidkasta oo ku lug leh xadgudubyadaas.

CADDEYN

Waxaan caddeynaynaa inaan taageersanahay la dagaalanka argagaxisada iyo gacansiinta arrimaha Nabadgelyada gobolka, laakiin dhammaan falalka kor ku xusan oo leh caddeymo rasmi ah aysan aheyn kuwo u adeegaya nabadeynta, sidaa daraadeed lama aqbali karo in dhiigga iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee gobolka lagu xadgudbo hantidoodana la baab’iyo  ama la dhaco.

BAAQ:

Waxaan ugu baaqeynaa Xeerilaalinta Qaranka, hay’adaha xuquuqda Aadanaha ee caalamka iyo kuwa gobolka, Hay’adaha caddaalada iyo ilaalinta sharciga inay degdeg ugu howlgalaan xadgudubyada ka socda Gobolka Gedo oo u hadda laga dhigtay goob ay ku tababartaan ciidamada shisheeye ka soo gudbay xuduudaha dalka.

Waxaan ugu baaqeynaa guud ahaan Dadka Soomaaliyeed inay indhaha ku hayaan wax aka dhacaya gobolka oo sameeyaan diiwaan gelin joogta ah iyo dabagal isla markaasna garab istaagaan walaalahooda lagu xadgudbayo oo la adeegsanyo awood ciidan oo xisaabtan la socon.

Waxaan ugu baaqeynaa dadka Gobolka inay ka qeyb qaataan ka shaqeynta Nabadgelyada dalka isla markaasna iska kaashadaan sidii shabaab looga sifeyn lahaa gobolka.

TACSIYO:

Waxaan ka tacsiyeynaa dhammaan xadgudubyada dadka shacabka ah ee gobolka lagula kacay oo ugu dambeeyeen:

Kufsi wadareedkii ka dhacay degmada Baeldxaawo ee lagula kacay gabdhaha Soomaaliyeed 24Luulyo 2018.

Leyntii dad Soomaaliyeed oo goobohoodi shaqo jooga.

Burburinta hantida shacabka sida xarumaha Isgaarsiinta iyo Guryaha.

Leynta Xoolaha Nool ee haddana lagu tilmaamay argagaxisada.

Waxaan ilaahay ka baryeynaa nabad waarta iyo sharaf ku noolaansho.

Mahadsanidin.

Xildhibaanada Labada Aqal:

Sen  Mowliid Hussein Guhaad- Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare.

Sen. Cabdulwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex)

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel)

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan

Xildhibaan Cabdicasiis Cabdullaahi Yuusuf (Dhegaqool)

Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac

Xildhibaan Maxamed Salaad Nuunow (Haashim)

Xildhibaan Daleys Xasan

Dhammaad

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM