Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo meelmarisay sharciyo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hindise Sharciyeedka Socdaalka, Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda, siyaasadda waxbarashada dalka iyo Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska.

Kulanka golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha.

Shirka oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kale oo lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-af-garad ah oo dhex maray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay hoteelka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle.

Dhammaan Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha qaran ee golohu meel mariyay ayaa qayb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku dooneyo in howlaha iyo adeegyada shacabka Soomaaliyeed u heyso lagu saleeyo, lagana tix raaco sharciyo iyo siyaasado cadcad oo si hufan loo diyaariyay.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM