Xukuumadda Somalia oo ansixisay Heshiiska Militeri ee Turkiga [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga

Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka.

Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya hab-raaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM