Balan-qaadka laba geesoodka ah ee Tanzania u sameysay Soomaaliya

Image
Hogaamiyeyaasha labadan dal ayaa dhowaan waxa ay ku kulmaan magaalo madaxda Dar es Salaam.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa waxa ay ballan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonto kor u qaadista ganacsiga ka dhaxeeyalabada waddan.

Tani waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee madaxweynaha ee lagu hagaajinayo xiriirka Tansaaniya iyo Bariga Afrika inteeda kale. Soomaaliya ayaa xubin ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Warbixin uu qoray wargeyska The Citizen ee ka soo baxa dalka Tanzania ayaa muujineysa in madaxweyne Samia Hassan ay ballan qaaday inay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya dhinacyada difaaca iyo amniga.

Hadalkan ayay ku sheegtay mar ay saxaafadda kula hadashay aqalka madaxtooyada ee magaalada Dar es Salaam, 27-kii bishan, kaddib markii ay la kulantay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay Tanzania.

Waa markii ugu horeysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu cagta mariyo Tanzania tan iyo markii uu xilka qabtay. Intii uu halkaas joogay waxa uu ka qaybgalay sannad-guuradii 60-aad ee Midowga dalka ee u dhaxaysa Tanganyika iyo Zanzibar.

Dhanka kale, khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan Somaliland, ayaa muddooyinkan dambe soo shaac baxayay, iyadoo dhinac kasta laga fogaanayo colaad.

Xiisadan ayaa saameyn ku leetay Bariga Afrika. Bilowgii sanadka, dalka Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa ka dhawaajiyay qorshe cusub oo uu ku doonayo inuu si toos ah u galo badda.

Qorshahaasi waxa uu ahaa in heshiis lala galo Somaliland, oo ah gobol ay Soomaaliya u aragto dal ka go’ay. Iyaga oo ka jawaabaya Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in wada-shaqaynta marin-badeedka badda ee Somaliland iyo Itoobiya ay tahay mid aan sharci ahayn.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meel mariyay sharci “burinaya” heshiiska dekedda, iyadoo Soomaaliya xitaa ay sheegtay inaysan waxba ka joojin doonin ilaalinta dhulkeeda.

Sikastaba ha ahaataee, Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay u aragtaa Somaliland inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, halka Somaliland ay isku aragto inay tahay dal madaxbannaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baxreyn oo martigelisay shir lagu taageerayo madax-banaanida Soomaaliya

Wafdiga matalayay dowladda federaalka waxaa hogaaminayay Wasiir Axmed Macallin Fiqi Axmed.

  • Warbixino

    15-05-2024

  • 01:52AM

Itoobiya iyo Somaliland oo ku dhow fulinta heshiis-ku-sheega muranka dhaliyey

Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa mucaaradad kala kulmay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Warbixino

    03-05-2024

  • 03:54AM