Bogagii ay Dowladda Soomaaliya ka xirtey AS oo hawada kusoo laabtey

Image
Barahan ayaa waxa ay isugu jiraan websites iyo akoono dhanka baraha bulshadda ah.

WASHINGTON, United States - Bogaga Internet-ka iyo baraha bulshada ee xiriirka la leh ururka Al-Shabaab ayaa wali faafinaya fariimaha kooxda inkastoo dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u xiri lahayd.

Ugu yaraan laba shabakadood oo dhawaan hawada laga saarey ayaa si degdeg ah usoo laabtey kadib markii dib loo diiwaangeliyay, sidda uu sheegay Barnaamijka Galka Baarista ee VOA Somali.

Sidoo kale, waxaa ka howlgala akoonnada xiriirka la leh Al-Shabaab, gaar ahaan Telegram-ka iyo Facebook-ga, kuwaas oo si joogto ah u soo noqda marka la xiro akoonnada la aqoonsan yahay.

Dhanka kale, labada idaacadood ee ugu waaweyn Al-Shabaab ayaa wali ka shaqeynaya degaanada ay kooxda maamusho ee dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii la soo dhaafay mudnaan gaar ah siisay in ay yareyso joogitaanka warbaahinta casriga ah iyo internet-ka ee Al-Shabaab si loo yareeyo saameynta kooxda.

Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in dadaalkaas uu kusoo dhamaanayo hal bacaad lagu lisay maadaama kooxda wali muujineyso in ay sii jiri karaan akoonadeeda mar walba oo dowladda ay awoodeeda isugu geyso xiritaankooda.

Weerarkii ugu dambeeyay ee maleyshiyadda xiriirka la leh Al-Qaacida ku qaadey SYL Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah waxa uu banaanka u keenay in garabka warbaahinta kooxda uu wali shaqeynayo.

Kooxda ayaa si joogto ah waxa ay uga waramaysay waxa ka dhex-socda gudaha dhismaha Hotel-ka, halka dowladda federaalka ay ku guuldareysatay in ay xog siiso dadweynaha illaa uu kasoo dhamaanayo weerarka tooska ahaa.

Khuburadda ku xeeldheer arrimaha la dagaalanka argagixisadda ayaa waxa ay Garowe Online u sheegeen in xukuumadda u baahan tahay falsafad cusub oo ay ku wajahdo garabka warbaahinta Al-Shabaab oo aan ahayn xiritaan.

Dagaalka dhanka warbaahinta ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda maamulka talada haya ee madaxwayne Xasan Sheekh u dejiyay la dagaalanka Al-Shabaab waxaana wehliya guluf dhanka dhaqaalaha, furimaha ciidamadda iyo fekerka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM