Burcad-badeed Soomaali ah oo "weerartey" markab laga leeyahay Israel

Image
Mareykanka ayaa sheegay in uu ka hortagay "isku-daygan la doonayay in lagu qafaasho doontan qaada shidaalka".

NAIROBI, Kenya - Isku-dayga afduubka markab ganacsi ee marayay gacanka cadmeed maalintii Axada ayaa u muuqda mid ay ka danbeeyeen burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan, balse ma ahayn in Xuutiyiinta Yemen, inkasta oo ay gantaalo kasoo rideen dhulka ay Xuutiyiinta ka taliyaan ee Yemen, sidda uu sheegay Pentagon-ka Isniintii.

"Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha ugu horreeya ayaa ah in shantan qof ay ahaayeen Soomaali," ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Ryder ayaa intaas ku daray: "Sida cad waa dhacdo la xiriirta burcad-badeednimada". Dhanka kale, dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaddiyadan.

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ayaa ka jawaabay qaylo-dhaan murugo leh oo Axadii ka soo yeeray markabka kiimikada qaada ee Central Park.

Kooxda weerarka geysatay ayaa lagu hor-istaagay markabka dagaalka ee Maraykanka ee Mason, sida ay sheegeen militariga Maraykanka, waxaana badqaba hormuudka Markabka Central Park iyo shaqaalihii la socday.

Waxaa jiray weeraro xiriir ah oo ka dhacay biyaha bariga dhexe tan iyo markii uu dagaal dhex-qarxay Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas uu qarxay 7-dii October.

Isku dayga afduubka markabka ayaa daba socday afduub ay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ku qabsadeen markab xamuul oo xiriir la leh Israel, kaasoo marayay koonfurta badda cas todobaadkii hore.

Central Park waa doon qaada shidaalka kaas oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime Ltd, oo xarunteedu tahay London hoostagana shirkad maaraynta maraakiibta caalamiga ah oo ay leeyihiin qoyska Israel Ofer. Markabkan oo sitay calanka Liberia ayaa la dhisay 2015, waxaana iska leh shirkadda Clumvez Shipping Inc, sida ku cad xogta LSEG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM