Ethiopian Airlines oo beenisay in ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya

Image
War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda ayaa lagu caddeeyay in warbixinta ay faafisay BBC ay been tahay.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ethiopian Airlines ayaa Jimcihii beenisay warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday BBC laanta Afka Amxaariga iyadda oo ku tilmaamay "mid aan sax ahayn".

Jimcihii, BBC Amxaari ayaa warisay "in Ethiopian Airlines ay ku dhawaaqday in ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya ee ay u isticmaali jirtay duullimaadyada Aasiya."

Warbixinta ayaa lagu sheegay in go’aankan uu sabab u yahay adeegga gaadiidka hawada Soomaaliya oo aan la isku halleyn karin ayna jirto khatar ba'an oo dhanka duulimaadka ah.

Qormada ayaa soo xigatay Mesfin Tassew oo ah madaxa shirkadda Ethiopian Airlines oo sheegay joojinta isticmaalka hawada Soomaaliya ay timid kadib dhacdadii Ethiopian Airlines iyo Qatar airlines.

Hase ahaatee, Ethiopian Airlines oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa waxay ku sheegtay in warbixinta BBC-da ee Amxaariga ay tahay mid khaldan oo la marin-habaabiyey.

"Shirkadada diyaaraduhu ma joojin isticmaalka hawada Soomaaliya," ayay tibaaxdey. Shirkadda ayaa BBC-da ka codsatay in ay saxdo sheekada ay daabacday. BBC weli kama aysan jawaabin.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo 1-dii Janaayo 2024 kadib markii Addis Ababa ay heshii beenaad la saxiixatay maamulka gooni-isu-taagga Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM