Heshiiskii difaaca Soomaaliya iyo Turkiga oo liqay damacii Imaaraadka

Image
Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay sababaha ay Muqdisho markii horey u ogolaatay riyadda Abu Dhabi.

ANKARA, Turkey - Markii golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis iskaashi ciidan oo ay la galeen Imaaraadka Carabta bishii Febraayo 2023, Muqdisho waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan siyaasadeed.

Xildhibaanada ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu lid ku yahay qaranimada Soomaaliya. Sanad ka dib, baarlamaanka Soomaaliya ayaan wali ansixin heshiiska loo dhameystirayo habraaciisa dastuurka.

Taas bedelkeeda, mudanayaashu waxay si degdeg ah u ansixiyeen heshiis lamid ah kan Imaaraadka kaasoo ku saabsan difaaca iyo ganacsiga ayna Soomalaiya la gashay Turkiga dhawr toddobaad kahor ama bishii hore.

labo illo wareedyo oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa majaladda Middle East Eye waxa ay u sheegeen in markii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay heshiiska la galeysay Imaaraadka ay maanka ku haysay doorashada madaxtinimada Turkiga ee May 2023.

Doorashadaas ayaa ra'yi ururin la sameeyay waxa ay muujineysay in Recep Tayyip Erdogan uu ku guuldareysan karo. Tani waxay ka dhigan tahay in Muqdisho ay ka fekereysay in aysan waayin heshiiska Imaaraadka.

Middle East Eye ayaa illo wareedyo kale waxa ay kasoo xigatay in Soomaaliya ay xillgaas isugu dhiibtay Abu Dhabi si aysan ay u hesho dal buuxiyo booska Turkiga haddii Erdogan uu kusoo laaban waayo doorashadda.

"Isbedelka ku yimid Muqdisho waxaa soo dedejiyay markii uu xoogeystay xiriirka Itoobiya iyo maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland," ayay raacisay warbixinta majaladan laga leeyahay waddanka Qadar.

Addis Ababa ayaa 1-dii Janaayo 2024 waxa ay heshiis la gashay maamulka Somaliland kaas oo xeerinaya in ay saldhig ciidan ka sameysato degaanka Lughaye balse waxaa carro kaga hortimid dowladda Soomaaliya.

Warbixinta MEE oo ciwaan looga dhigay "Heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga oo quusiyay heshiiskii liddiga ku ahaa ee Imaaraadka" ayaa lagu caddeeyay in Dooxa ay taageersan tahay is-fahamka Ankara iyo Muqdisho.

Heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu dhigayaa in Ankara ay Muqdisho u tababarto una qalabeyso ciidamo cirka iyo badda ah taas oo muujineysa in looga hortagayo damaca gurracan ee Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM