Iiraan oo dalbatay in lasoo celiyay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya

Image
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka Iiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dalka Iran, Mohammad Mokhber, kaddib geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Madaxweyne Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Mokhber, qoyska Madaxweyne Raisi, iyo dowladda iyo shacabka Iran.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Caamir-Cabdalla iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay kadib shilkii naxdinta lahaa ee diyaarad Helicopter ah” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud.

Madaxweyne Ebrahim Raisi, wasiirkii arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian iyo dhowr qof oo kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo Axaddii ka dhacay waqooyi-galbeed ee Iran.

Safaarada Iiraan ee Kenya ayaa deg deg uga jawaabtay Tacsidii Soomaaliya kana gudoontay dhambaalka tacsida, balse waxay dalbatay soo celinta "xariirka 2-da ee muslimiinta gaar ahaan dhanka diblumaasiyada".

Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka Iiraan, iyadoo ku amartay dhammaan dublamaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Iran inay dalka ka baxaan, taasoo jawaab u ah faragelinta joogtada ah ee dowladda Iran ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wixii markaas ka dambeeyay dowladdu si rasmi ah uma aysan shaacin dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Iran.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM