Ingiriiska oo Itoobiya la galay heshiis khuseeya amniga xadka Soomaaliya

Image
Is-afgaradkan ayaa qalinka loogu duugay qaab hoose kana duwan is-fahamkii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

LONDON, United Kingdom - Dowladaha Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa Jimcihii kala saxiixday is-afgarad ciwaankiis yahay "Horumarinta Nabadda iyo Xasiloonida Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya iyo Itoobiya".

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya (MFAE) ayaa sheegtay in “ujeedku yahay in kor loo qaado adkeysiga bulshooyinka ku nool xuduudda Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya si ay uga hortagaan xagjirnimada rabshadaha wata.”

Heshiisku waxa uu ahaa mid maqaam hoose loo saxiixay kana duwan kii ay madaxda Itoobiya iyo Somaliland wada saxeexdeen wallow ay ka dhalatay cambaareyn aad u xooggan.

Dhinaca Itoobiya waxa heshiiskan u saxeexay Ambassador Jemaludin oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Dhinaca dawladda UK, danjire Darren Welch, safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, ayaa uga saxeexay “xaflad ka dhacday dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya".

Waxay u muuqataa in heshiiska amniga xuduudka lagu saxiixay xaalad khatar ah oo ka imanaysa Al-Shabab balse Kenya ayaan qayb ka ahayn heshiiskan MoU.

Iyadoo heshiisku uu quseeyo “Xuduudda Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya”, Kenya dhinac kamay ahayn. Si kastaba ha ahaatee, Kenya waxay heshiis la saxiixatay Itoobiya toddobaadkan. Soomaaliyana kuma jirto heshiiska.

Horraantii bishan, ugu yaraan lix qof oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay magaalada xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Balad Xaawo, una muuqatay aargoosi ka dhan ah is-afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM