Jab Pizza ah oo sababay in lasoo xiro nin lagu raad-joogay

Image
Rex Heuermann ayaa la doon-doonayey tan iyo 2010-kii markaas oo uu dilay afar gabar.

WASHINGTON, United States - Laamaha ammaanka Mareykanka ayaa ku guuleystay in ay aqoonsadaan gacan ku dhiigle la raadinayay tan iyo 2010-kii.

Rex Heuermann oo haatan xabsi ku jira ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu khaarijiyey saddex haweeney.

Baareyaasha ayaa sheegay in sidoo kale ay baarayaan haddii 59-sano jirkan uu ka dambeeyo dilka haweeney kale oo afaraad.

Heuermann ayaa lasoo xiray markii caddeymo laga helay gabal pizza ah, codad laga helay telefoon iyo tijaabo DNA ah.

Qareenka eedeysanaha ayaa tibaaxay in uu aaminsan yahay in muwakilkiisu uusan ahayn dilaa ayna qaadanayaan rafcaan.

Baadigoobka ninkan ayaa bilowday markii afarta gabadhood lagu waayay xeebta Gilgo, Jaziirada Long Island gobolka New York ee Mareykanka.

Gabadha ayaa kala ah Melissa Barthelemy, Megan Waterman, Amber Costello iyo Maureen Brainard-Barnes.

Rex Heuermann ayaa ah Injineer naqshadeeye dhismaha guriyaha, sidda ku xusan diiwaanka xogtiisa gaarka ah.

Sikastaba ha ahatee, waa markii ugu horeysay oo qof loo xiro kiiskan oo horseeday aragtiyo is-khilaafsan oo ku aadan cidda ka dambeysay ama geystey dilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM