Kiiska dilka wiilka Xasan Sheekh oo soo jiitay indhaha caalamka

Image
Warbaahinta ugu afka dheer ee aduunka ayaa ciwaanada hore ka dhigay sheekadan saacadihii lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer illaaliyaha dalka Turkiga ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed oo xabsiga ka baxsaday ayaa 30-kii bishii hore ee November sababay shil gaari oo keenay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Afartan sano jirkan ayaa la sheegay inuu Turkiga ka dhoofay 2-dii December. Qareenka qoyska dhibbanaha dhintay ayaa laga soo xigtay isagoo leh "Waa dayacaad ka bixitaankii Maxamed ee Turkiga".

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkan la kulmay saraakiil ka tirsan Turkiga oo uu ka mid yahay danjiraha u fadhiya magaalada Muqdisho ee Ibrahim Mete Yağlı.

Hase ahaatee alse qasriga Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda wax war ah aan kasoo saarin dhacdadan, iyo halka uu ku dambeeyay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud.

Kiiska oo soo jiitay indhaha caalamka

Warbaahinta ugu afka dheer ee caalamka ayaa ciwaanada hore ka dhigay sheekadan. Al Jazeera, BBC-da iyo VOA-da qeybta Turkiga ayaa saacadihii lasoo dhaafay daabacay maqaalo kala duwan oo ku saabsan kiiskan.

Al-Jazeera ayaa sheekadeeda waxay ciwaan uga dhigtay "Wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka baxsaday Turkiga kadib markii uu ku lug-yeeshay shil gaari oo dhimasho sababay".

BBC-da ayaa dhankeeda waxay ay qortey "Waaran soo qabasho ah oo loo jaray wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo lala xiriirinayo in uu sababay shil gaari oo geeri horseeday".

VOA-da ayaa intaas waxa ay raacisay "Wiilka madaxweynaha Soomaaliya aya ka baxsaday xabsi kadib markii uu shil gaari loo adeegsaday ku dilay muwaadin Turki ah".

Hanjabaada hogaamiyeyaasha Turkiga

Duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu oo qoraal ku daabacay baraha bulshadda ayaa ku dhaleeceeyay mas'uuliyiinta dalkaas in ay u ogolaadeen tuhmanaha in uu dalka ka baxo.

"Waa nasiib darro in aan indhaha ka qarsano baxsashadda eedeysanaha, hase ahaatee waxaan ula socon doonaa si dhow waxaana dabageli doonaa illaa aan cadaaladda ka horgeyno," ayuu ka dhawaajiyay.

Turkiga ayaa si weyn u kordhiyey joogitaankiisa Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, waxa uuna hormuud ka yahay kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ankara waxa ay Soomaaliya u ahayd isha ugu muhiimsan ee gargaarka Soomaaliya kadib abaartii 2011. Injineero Turki ah ayaa gacan ka geystay dhismaha  shirkado ganacsi oo maalgashi ku sameeyay dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM