Ma daaleyaashii daryeelka la'aa!

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Puntland (Taraafikada) oo qayb ka ah ciidamada boolisku, waxay kamid yihiiin kuwii ugu horreeyey ee la asaasay markii dhidibada loo taagey Maamulka Puntland sanadkii 1998, waase kuwa ugu liita dhammaan ciidamada, marka laga eego dhanka tayada  uguna tirada yar!

Maalmo kahor, waxaan booqday Xarunta Ciidamada Taraafikada ee Boosaaso, waa goob aad u fool xun oo ayba adag tahay in la garto inay tahay xarun dowladeed iyo in kale. Dhismaha xaruntu waa mid qadiim ah oo burbursan, waxaana la dhisay xilligii uu gumeystihii Talyaanigu dalka joogey, xafiisyada badankoodu malahan albaabo iyo daaqado, deyrka isaga warkiisaba daa!

Goobta waxaan kula kulmay Gaashaanle Maxamed Finiin Yuusuf oo ah taliye ku-xigeenka Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka Puntland, ahna Taliyaha Taraafikada Gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuuy. 

Waraysi kooban ayaan la yeeshay, waxaana su'aalihii aan weydiiyey ugu muhiimsanaa:

Maxaa loo tayeyn waayey Taraafikada Puntland dowladase makala hadasheen arrintaas? Mudane Finiin ayaa ii sheegay in dhammaan dowladihii kala duwanaa ee Puntland soo maray ay codsiyo badan u gudbisteen haseyeeshee weli aanay jirin cid usoo jawaabtay.

" intaas waa qaylinaynaa...C/laahi Yuusuf baa noo yimid, Caddaa noo yimi, Faroolaa noo yimi, intuba ballan-qaad fiican bay noo sameeyeen laakiin weli wax noosoo dhaqaaay ma arkin" Gaashaanle Finiin ayaa sidaas yiri.


Taraafikada Puntland Waa 76 Askari!

Taliye Finiin oo aan weydiiyey inta ay tahay guud ahaan tirada Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka ee Puntland, wuxuu ii sheegay in wadarta guud ee Ciidanka Taraafikadu ay tahay 76 askari, gobol kastana ay ka howlgalaan. Aad baan ula yaabay! Bal qiyaas 76 askari sidee ugu adeegi karaan bulsho kor u dhaafaysa afar milyan oo qof iyo gaadiid aan ka yarayn 50,000 (konton kun).

Kaba sii darane, 76-daas askari waxay u badan yihiin rag howl-gab ah, waxaaba ku jira kuwo ay da'doodu lixdanka kor u weydaaratay. Qaar kamid ah askarta oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay inay soo shaqeynayeen muddo soddon sano ka badan.

Gacmahayaga ayaa noo wiish ah!

Mar haddiiba xaruntii shaqada ugu badani ka socotey ay caynkan tahay, yaa filaya in la arko qalab iyo gaadiid badan oo ay Taraafikadu leedahay? Waxaa jira qalab badan oo asaasi u ah shaqada Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka, sida:  gaadiidka waaweyn oo isugu jira wiishash iyo kuwa xamuulka qaada; gaadiidka yayar ee dheereeya, mootooyin, qalabka birta adag lagu jaro iyo qaar kaloo badan. Intaas oo dhan halmid kama  haystaan.

Isagoo ka jawaabayey su'aal ahayd haddiiba aad fara maran tihiin qalab noocee ah ku shaqeysaan? Gaashaanle Finiin Wuxuu yiri:

"adeer qalab ma lihin...baabuur markaan u baahanno wiish ah waa soo kiraysanaa...mararka qaar gawaarida gaddoonta gacmahayaga annagoo adeegsanayna ayaan toosinnaa oo dhaawaca iyo meydka kasoo saarnaa..."
 
Gaadiidka Dadweynaha iyo Kororka Shilalka:

Gaadiidka dadweynuhu waa lagama maarmaan marka la joogo magaalo weyn sida Boosaaso oo  kale,  maadaama ay fududeeyaan isu socodka dadka, ganacsigana ay qayb libaax ku leeyihiin. Iyadoo ay sidaas tahay, ayaa shilalka gaadiidka ee ugu badan ee magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ka dhaca waxaa sababa gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan. 

Gaashaanle Finiin oo aan arrintaas wax ka weydiiyey ayaa ku sababeeyey dhowr arrimood, wuxuuna u kala horreysiiyey sidan:

1: Wadeyaasha gaadiidka dadweynaha oo dhallinyaro u badan iyo khibradooda wadista gaadiidka oo aad u yar.
2: Dadka gaadiidka iska leh oo aan xil iska saarin cidda ay baabuurtooda u dhiibanayaan.
3: Baabuurta oo magaalada aad ugu badan iyo jidadka oo ciriir ah.
4: Basaska yayar oo inta badan albaabka rikaabka ku leh dhanka bidixda ee ay gawaaridu iska dhaafaan.

Gabagabo:

Aniga iyo in badan oo kamid ah dadka ila fikirka ahi waxaan qabnaa in ay muhiim tahay in la tayeeyo ciidamada nabadgelyada waddooyinka, tiradooda la kordhiyo loona sameeyo saldhigyo ku haboon shaqadooda iyo gadiid ay ku howlgalaan.

Haddii taas la helo waxaa hubaal ah inay hoos u dhici doonaan shilalka gaadiidku,  waxaan sidoo kale sheki ku jirin in xal loo heli doono maareynta saxmadda iyo ciriirka faraha badan ee ka jira jidadka muhiimka ah ee magaalada Boosaaso oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Puntland.

Maxamad Gaacshe
GAROWE ONLINE, BOSASO

 

Related Articles

Baxreyn oo martigelisay shir lagu taageerayo madax-banaanida Soomaaliya

Wafdiga matalayay dowladda federaalka waxaa hogaaminayay Wasiir Axmed Macallin Fiqi Axmed.

  • Warbixino

    15-05-2024

  • 01:52AM

Itoobiya iyo Somaliland oo ku dhow fulinta heshiis-ku-sheega muranka dhaliyey

Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa mucaaradad kala kulmay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Warbixino

    03-05-2024

  • 03:54AM