Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Image
Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

MOSCOW, Russia - Ceelka ugu dheer dunida oo lagaarsiiyay 40,000 feet, iyo waxyaabihii ka yaabiyay ee ay ku arkeen saynisyahanada. Ceelka Kola Superdeep Borehole ee waqooyi-galbeed Ruushka waa godka ugu qoto dheer aduunka ee bani'aadamku sameeyo. Waxaa loo qoday in dhulka hoose laga wardoono oo lagu sameeyo cilmibaris. 

Waxaa saynisyahaynadii cilmi baarista waday ka yaabiyay in ay ka heleen biyo iyo hydrogen-gas salka hoose masaafo aad o u hoosaysa ee saynisyahannadu aysan saadaalin.

Waxaa kale oo layaab ku noqday in ay heleen qolfoof plankton-oo ah noolaha yaryar ee dul sabeeya bada oo laga helay ku dhawaad ​​20,000 oo feet dhulka hoose. 

Waxa kale oy sanisyahanadu arkeen in salka hoose ceelka markii ay hoos u qodaanba uu aad usii kululanayay oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid karkaraya kulayl awgiis. 

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970, wuxuu noqday godkii ugu dheeraa ee bini’aadam-sameeye taariikhda sanadkii 1979-kii. Qodista ayaa la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed. Waxaa ayadana dhawaan qoday ceelkan mid gaaray dawladda Qadar.

Markii la joojiyaya qodista ceelka waxaa dhacday in ay dadwaynaha caalamku faafiyeen quraafaad badan oo ay ka mid ahayd in ay saynisyahaynadu maqleen codad dad ooynaya iyo weliba sidoo kale in kulaylka badan awgeed ay ka jilceen birihii ay wax ku qodayeen, balse taas ayaa ah quraafaad aan sal lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya iyo Somaliland oo ku dhow fulinta heshiis-ku-sheega muranka dhaliyey

Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa mucaaradad kala kulmay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Warbixino

    03-05-2024

  • 03:54AM

Balan-qaadka laba geesoodka ah ee Tanzania u sameysay Soomaaliya

Hogaamiyeyaasha labadan dal ayaa dhowaan waxa ay ku kulmaan magaalo madaxda Dar es Salaam.

  • Warbixino

    30-04-2024

  • 04:38AM