Safaaradda Sweden ee Baqdaad oo dab la qabad-siiyey

Image
Shaqaalaha safaaradda Sweden caasimadda Ciraaq ee Baqdaad "waxay ku sugan yihiin ammaan”.

BAQDAAD, Ciraaq - Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa illo xog-ogaal ah ayaa sheegtay in safaarada Sweden ee Baqdaad ay xoog ku galeen mudaharaadayaal Ciraaqiyiin ah ayna dab qabadsiiyeen dhismaha xaruntan.

Qiiq ayaa kasoo baxay dhanka dhismaha safaarada Sweden iyadoo tobanaan dibadbaxayaal ah ay weli ku sugan yihiin goobta, sida ay ku warantay AFP.

Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay falka lagu gubay safaaradda Sweden ee Baqdaad, waxayna fartay ciidamada ammaanka inay baaritaan degdeg ah sameeyaan.

Xukuumadda Baqdaad ayaa si laimd ah amartey in lala xisaabtamo dembiilayaasha, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Shaqaalaha safaaradda Sweden caasimadda Ciraaq ee Baqdaad "waxay ku sugan yihiin ammaan”.

“Mas'uuliyiinta Ciraaq ayaa mas'uul ka ah ilaalinta ergada diblomaasiyadeed iyo shaqaalaha,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Iswiidhan.

Mudaaharaadkan waxaa ku baaqey taageerayaasha wadaadka Muqtada al Sadr kadib markii nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka lagu gubay Sweden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM