Wariye ka tirsan BBC-da oo wajahaya baaris la xiriirta fal anshax xumo ah

Image
Waa qeyb kamid ah shuruucda BBC-da in aan la shaacin magaca eedeysanaha si loo ilaaliyo sharafkiisa.

LONDON, UK - Warbaahinta faca weyn ee BBC-da ayaa xaqiijisay in ay eegayso eedeymaha ku saabsan fal anshax-xumo dhanka jinsiga ah oo loo haysto mid kamid ah war-tabiyeyaasha telefishinka.

Afhayeen u hadlay hay’adan war-fidiyeeneed ee laga leeyahay Ingiriiska ayaa caddeeyay in ay dhab u qaateen eedeynta isla markaana ay natiijada shaacin doonan.

Balse, waxa uu mas’uulkan ka gaabsadey in uu soo bandhigo magaca saxafiga la eedeeyay kaas oo la sheegay in uu yahay rag hase ahaatee aan xogtiisa la fahfaahin.

“Waa qeyb kamid ah shuruucda BBC-da in aan la shaacin magaca eedeysanaha si loo ilaaliyo sharafkiisa,” ayuu hadalkiisa kusii daray afhayeenka oo qoraal soo saarey.

Wargeyska afka dheer ee The Sun ayaa Jimcaha todobaadkii hore daabacay warbixin xustey in saxafi ka tirsan BBC-da uu ilmo ay dhashay tusiyey sawirro anshax-xumo ah.

Sikastaba ha ahaatee, warbixintu ayaa waxay keentay in qaar badan oo ka mid ah idaacadaha BBC-da ay la kulmaan weeraro dhanka ah internet-ka ah taas oo aakhrikii kaliftey in ay soo saaraan bayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM