Weerarada Al-Shabaab iyo hanjabaadda ka timid dowladda Kenya

Image
Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxay weerarro ku qaaday magaalooyinka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 23 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen ciidamada sida gaarka ah u tababaran, sidda ay ku warantey saxaafadda maxaliga ah.

Maleyshiyaadkan ayaa la sheegay in lagu khaarijiyey intii uu socday weerar gaadmo ahaa ee ka dhacay tuulada Orgene oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Inta la xaqiijiyay 6 askari oo Kenyan ah ayaa ku dhintay iska horimaadkaasi oo sababay dhaawaca 8 kale, sidda ku xusan warbixinta ay faafisay warbaahinta madaxa-banaan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay hal maalin uun ka dib markii wasiirka amniga ee dalka Kithure Kindiki uu wacad ku maray in ay xagjiriinta ka saarayaan dhulka Kenya xilli uu ku guda jiray socdaal amni oo uu ku marayay waqooyi bari ee dalkaasi.

"Waxaa sii kordheysa weeraradda argagixisadu kusoo qaadeyso saraakiishayada amniga," ayuu yiri Kindiki. "Waan sii wadi doonnaa dagaalka, waan ku guuleysan doonnaa dagaalka, waxaana codsaneynaa dulqaad iyo wadashaqeynta shacabka".

Bishii la soo dhaafay, kooxo mintidiin ah ayaa ugu yaraan 25 qof ku dilay weeraro argagaxiso oo ka dhacay meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay dadka ku nool Wajeer, Kindiki wuxuu sheegay in Kenya ay adeegsan doonto wax walba oo suurtagal ah si gobolka looga cirib tiro argagixisada iyo kuwa taageera.

Horaantii sanadkan, Kenya ayaa ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay dib u furto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kaasoo xirnaa muddo toban sano ka badan. Qorshayaashaas ayaa hadda isbedelay ka dib markii ay kordheen weerarada xagjiriinta.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxay weerarro ku qaaday magaalooyinka Kenya, iyagoo isku dayaya inay ku qasbaan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya iyo xubinimadooda howlgalka ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM