Sheeko Faneed- KASHII ARIGU CABI JIREY – Aniga iyo Ayeeyo

Image

Maalin ayaan Ayeeyo ariga la.aroorshey waxay ahayd kashii arigu cabi jirey oo waa kaliil waaana wakhti roobku daahay cirkuna uusan dihnayn markaas. Waxaan lahayn laba tiro oo ari ah oo isugu jira riyo iyo ido aan badnayn. Riyaha waxaa kujira Anax, ciiro, seenyo, cadey, Taaho, quruxo, cawlan, qoormadow, qeydo iyo kuwo kale oo dhamaantood ahaa gacalooyin caano macaan. Ayeeyo aadbay iijeclayd Allaha jeclaadee waxaan durbadiiba bul,bul,bul kasiiyo ba waxaan abaaro shansaac oo barqonimo nabad tagnay ceelka oogadiisa oo ay kaliya naga horeeyaan labo qoys arigood.

Ceelalyadu waxay nagu soo dhaweeyeen gacmo furan oo waxay aqoon dheer u leeyihiin ayeeyo oo ahayd qofka loogu ixtiraamka badan yahay fagaarayaasha xaafayda miyiga. Markii arigii afka biyaha daray ayay ayeeyo igutiri ayeeyo maryaha jugayso (dhaqo) shaahana dabka inoosaar. Markii aan dharkii dhameeyey ayay ugutiri ayeeyo kaalay oo aan madaxa kuu qooyee waa barqo kulul oo ayeeyo ayaa iiqubaysay. Waxaan ahay fariid aad u jecel koolkoolinta oo ayeeyo ayaa gacamaheeda iyo dhabteeda igu korisay. Waxaan tagay geed harac ah si aan dhag uga siiyo inta arigu cabayo biyaha, ma ahan hurdo xasilan ee waa indhaguduudsi.

Qeybta 2-aad

Markii aan soo hurdo bogtay ayaan shaaha dabka utuuray kadibna ayeeyo ayaa igu tiri cadey sooqabo ayeeyo aan kaaga cadeeyee oo shaaha waa leyga xooriyaa. Markiiba waan ka laacay aargaraan caano-shaah ah. Markii arigu ceelka kasoo foofay oo aan soo baxnay ayaa ayeeyo igu dartay nin kamid ahaa ceelalyada oo ay aad isku yaqaneen si aan uga qeyb galo allaah bari ragu ku balan sanaa oo roob doon ah sida aan horey usoo sheegay roob ma da´in, ma tiixin, ma daroorin, ma hoorin, ma shuuxin, mana hibitiqin. Xiligu waa (meecaad xagaa) sii baxaya oo omos ka tagey waxaase laga rajo qabaa (malluug gu´) caano iyo subag badan wata. Allaah barigu se wuxuu ahaa caado laga dhaxley awooweyaasheen markiiba waan raacay oo waa markii iigu horeysay balse ma wato dhowrtadii oo caadadu waa in horey loo sooqaado leg, jeejiqaar, garab, feerro, awlal,sinweyn, ama lug iyo jeeni. Markiiba waxaan ag fariistay ninkii ayeeyo igu soo dartay waxaana bilowday in hilibkii lacuno oo raga loo qeybsho.

Ninkii ayaa igu yiri adeer hoo hilibka oo wuxuu iidhiibay bari wan aan isiri sumal madow buu ahaa markii aan dhowr jeer rudey ayaan dhinac udhacay oo laba bari ayaa biyo la igu rushaynayay.

lasoco qebta xigta,,,

W/Q Sadiiq Abdi Aden Hurrin

Related Articles

Sheeko Gaaban: Qisada macalinkaygii ii ceeb asturay oo aan kulanay 35-sano ka dib

Sheeko Gaaban oo uu turjumay Ahmed Kulmie.

  • Blog

    01-05-2024

  • 09:14AM

Sheeko gaaban – Xaaskaygii sadexda nin ila guursatay!

“Xaaskaygii sadexda nin ila guursatay!” waa sheeko gaaban oo ay soo gudbiyeen akhristayaasha ku xiran Garowe Online.

  • Blog

    17-03-2024

  • 10:53AM