11 qof oo dil toogasho loogu xukumay fal dhacay 2017-dii

Image
Dhibanaha ayaa, sidda ay caddeeyeen baareyaasha, waxaa la toogtey markii la weeraray gaari uu saarnaa.

DAARASALAAM, Tanzania - Maxkamad ku taalla Tanzania ayaa 11 qof ugu xukuntay dil toogasho sababo ku aadan khaarijin 2017-kii ee loo geystay halgamaagii caanka ahaa ee la dagaalanka ugaarsiga xayawaanada ee Wayne Lotter.

Lotter, oo ah 51 jir u dhashay Koonfur Afrika, fadhigiisuna yahay Tansaaniya, waxa uu ahaa aasaasihii hay’adda PAMS Foundation oo ka shaqaysay joojinta ugaarsiga maroodiga iyo ka ganacsiga foolka Maroodiga.

Dhibanaha ayaa, sidda ay caddeeyeen baareyaasha, waxaa la sheegay in lagu toogtay gudaha magaalada Daarasalaam, kadib markii gaarigii uu la socday la weeraray.

Ilaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee loo dilay balse saaxiibadda Lotter ayaa aaminsan in si gaar ah loogu beegsadey sababo ku aadan shaqadiisa ilaalinta maroodiga.

Xukunka dilka ah ee lagu rido Tanzania ayaan ku cusbayn balse guud ahaan waxaa loo beddelaa xabsi daa’im. Xukunkii ugu dambeeyay ee dalka laga fuliyo wuxuu ahaa 1994-tii.

Tansaaniya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee sida xun u saameeyay ugaarsiga maroodiga, iyadoo ay lumiyeen in ka badan 66,000 oo maroodi ah muddo 10 sano ah, balse dadaallada dhex galka ah ayaa ka dhigan in ugaarsiga uu hoos u dhacay sannadihii u dambeeyay.

Warbixin ay soo saartay hay'adda NGO-ga ah ee loo yaqaano Global Witness ayaa lagu xusay in adduunka oo dhan 200 oo qof oo u ololayneysay arrimaha degaanka la dilay 2021-kii iyo in ka badan 1,700 oo qof 10-kii sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM