2019: Tiradda dadka ay Al-Shabaab ku dishay Kenya oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Chrips ayaa tirakoob ku sameysay khasaaraha dhimashadda ee weeraradda Al-Shabaab ka fulisay Kenya sanadkii 2019-kii.

Tiradda guud ee geerida waa 83 ruux. Tani waxay ka dhigan tahay in 20 boqolkiiba ay ka badan tahay 2018-kii oo la dilay 56 qof.

Wadarta guud ee dhimashadda 42 kamid ah waa saraakiil ammaan. Intaas waxaa wehlisa in 26 kamid ah ay yihiin dad shacaba ah.

Weerarkii ugu dhimashadda badnaa wuxuu ahaa DusitD2, kaasoo dhacay bishii Janaayo 15-keeda, 2019. Dhacdadaas waxay galaaftay 20 qof.

Baareyaasha ayaa tibaaxay in 11 kamid ahaa maleeyshiyaadka Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen falal kala duwan. Qaarkood waa la toogtay.

Qiimeynta ayaa muujineysa in ay kordheen weeraradda. 2018-kii waxaa la diiwaan-geliyey 23, halka 2019 ay dhaceen 34 weerar.

"Mandera iyo Wajeer waxaa midkiiba ka dhacay min Sagaal weerar, waana kuwa ugu badan," ayay raacisay faaladda oo si qoto dheer loo eegay.

Warbixinta ayaa daaha ka rogtay sanadkii 2019 la xiray 74 qof, oo 37 kamid ay yihiin shacab, halka 37 ay haayeen saraakiil boolis.

Gabagabadii, qormadda ayaa lagu soo afmeeray in sanadkii hore la afduubtay 12 qof, oo sagaal kamid ah ahaayeen shacab iyo saddex saraakiil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM