3,000 Iskuul oo Gobolka Amhara, Itoobiya ku Yaal ayaa u Xiran Sababo Amni

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Amhara ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in waxbarashadii laga joojiyay in ka badan 3,000 iskuul oo ku yaalla gobolkaas, iyadoo sababta loo cuskaday ay tahay “walaaca amni”.

Kulan wada-tashi ah oo maanta ka dhacay Bahir Dar, Mekuanent Adame, ku-xigeenka madaxa Wasaaradda, ayaa sheegay in xirnaanshaha hay’adaha waxbarasho ay si weyn u xaddiday awoodda gobolka ee bixinta adeegyada waxbarasho ee tiro badan oo arday ah.

“Muddada sanad-dugsiyeedkan, waxaanu qorsheynay inaan waxbarasho siino 6.2 milyan oo arday oo ku kala jira 10,813 iskuul oo ku yaal gobolka,” ayuu yiri Mekuanent. “Sababo la xiriira caqabadaha amni ee jira, waxaa xiran in ka badan 3,000 iskuul.”

Mekuanent ayaa intaas ku daray in maamulka gobolku uu si dardar leh ugu jiro dadaallo dib loogu furayo iskuullada ku yaalla aagagga nabadgelyada ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM