Aadan Barre oo ballan-qaad u sameeyay Soomaalida iyo Muslimiinta

Image
Muslimiinta Kenya ayaa muddo codsanayay in qofkii laga shakiyo la geeyo maxkamad lana caddeeyo dambigiisa.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa isaga oo meel madal ka hadlaya ballan-qaad weyn u sameeyey Soomaalida iyo muslimiinta dalkaasi, kaas oo ah in gebi ahaanba ay dowladda Kenya kala direyso unugyadii ciidanka amniga ee afduuban jirey dadka laga shakiyo.

Aadan Barre oo la hadlayay dad Soomaali ah oo isugu yimid Nairobi, ayaa sheegey in ay isaga shaqsi ahaan usoo wargaliyaan haddii ay arkaan gaadiid astaantooda la yaqaano ee dadka lagu afduubto, hadda wixii ka dambeeyana aysan jiri doonin qof ay ciidamada wateen kadibna la waayo meel uu jaan cirib dhigay.

Wasiirka ayaa sheegayin ay tahay siyaasad dowladda Kenya ka go’an in lasoo afjaro dhaqankii 10kii sano ee lasoo dhaafay socday ee dadka lagu afduubanayay.

Waxaa maqan oo raq iyo ruux toona aanan lagu haynin dad tiro badan oo Soomaali iyo muslimiinta kaleba isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay la shaqeeyaan kooxaha argagixisada.

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah ayaa maydadkooda laga heley webiyo, halka kuwa kale lagu dilay hawlgalo shaki badan uu hareeyay.
Muslimiinta Kenya ayaa muddo codsanayay in qofkii laga shakiyo la geeyo maxkamad lana caddeeyo dambigiisa halkii lagu dili lahaa tuhun oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM