Aadan Barre oo ballan-qaad u sameeyay Soomaalida iyo Muslimiinta

Image
Muslimiinta Kenya ayaa muddo codsanayay in qofkii laga shakiyo la geeyo maxkamad lana caddeeyo dambigiisa.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa isaga oo meel madal ka hadlaya ballan-qaad weyn u sameeyey Soomaalida iyo muslimiinta dalkaasi, kaas oo ah in gebi ahaanba ay dowladda Kenya kala direyso unugyadii ciidanka amniga ee afduuban jirey dadka laga shakiyo.

Aadan Barre oo la hadlayay dad Soomaali ah oo isugu yimid Nairobi, ayaa sheegey in ay isaga shaqsi ahaan usoo wargaliyaan haddii ay arkaan gaadiid astaantooda la yaqaano ee dadka lagu afduubto, hadda wixii ka dambeeyana aysan jiri doonin qof ay ciidamada wateen kadibna la waayo meel uu jaan cirib dhigay.

Wasiirka ayaa sheegayin ay tahay siyaasad dowladda Kenya ka go’an in lasoo afjaro dhaqankii 10kii sano ee lasoo dhaafay socday ee dadka lagu afduubanayay.

Waxaa maqan oo raq iyo ruux toona aanan lagu haynin dad tiro badan oo Soomaali iyo muslimiinta kaleba isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay la shaqeeyaan kooxaha argagixisada.

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah ayaa maydadkooda laga heley webiyo, halka kuwa kale lagu dilay hawlgalo shaki badan uu hareeyay.
Muslimiinta Kenya ayaa muddo codsanayay in qofkii laga shakiyo la geeyo maxkamad lana caddeeyo dambigiisa halkii lagu dili lahaa tuhun oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM