Aadan Barre: Soomaalida Kenya ma ahi ee waxaan ahay Kenyaan

Image
Wasiirka difaaca Kenya ayaa ka gilgishay hadalo kasoo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada dalkaasi.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale oo shalay ka dhex hadlayay baarlamaanka dalkaasi ayaa ka gilgishay hadalo kasoo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada dalkaasi oo si u muuqda faquuq bulsho diiradda u saarayay dadka Soomaalida ah ee Kenya ku dhaqan.

Aadan Barre ayaa xukuumadihii hore ee Kenya ku eedeeyay in Soomaalida ay ka dhigeen dad aanan Kenyaan dhamaystiran ahayn, islamarkaasna duudsiiyay xuquuqahooda, balse xukuumadda hadda jirta ee William Ruto ay soo afjari doonto kala sareysiinta qoowmiyadaha ku dhaqan dalkaasi.

"Aniga ma ahi wasiirkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta, mudane Yuusuf Xaaji ayaa horey usoo qabtay, sidoo kale ma ahi qofkii koowaad ee xil sare oo amniga ah ka qabta Kenya, waxaa taliyaha Booliiska soo noqday nin kale oo Soomaali ah, aniga oo Kenyan ah ayaanan sida dastuurka qabo u gudan doonaa xilkan," ayuu yiri wasiirka oo ka jawaabayay eedeymo xildhibaanada qaar ay jeediyeen oo ahaa sida nin Soomaali ah loogu aamini karo gaashaandhigga Kenya.

Aadan Barre ayaa sidoo kale tusaale usoo qaatay dadka Soomaalida ah ee caalamka xilalka sarsare ka haya, wuxuuna sheegay in Ilhaan Cumar ay ka tirsantahay Koongareeska Maraykanka, nin Soomaali ahna uu yahay wasiir ka tirsan dowladda Canada, qof kasta oo Soomaali ahna uu shaqadiisa u guto sida sharciga qabo meel kasta oo uu adduunka ka joogo.

Bulshada Soomaalida Kenya ayaa muddo dheer ka cabanaysay in loola dhaqmo si liidnimo ah, laguna dhibaateeyo nidaamka dowliga ah ee Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM