Aadan Faarax Ibraahiim oo loo doortay afhayeenka Aqalka Sare ee Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweyne ku xigeenkii dowlad degaanka Soomaalida, Aadan Faarax Ibraahiim, ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa loo doortay afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka Itoobiya.

Aadan ayaa bedelaya Keria Ibrahim oo is-casishay Isniintii. Illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee shaqada ay uga tagtay. Haweenaydan waxay kasoo jeedaan qowmiyadda Tigreeyga waddankaas.

Qowmiyaddaas ayaa aad uga soo horjeeda qaabka uu wax u maamulayo ra'iisul wasaare Abiy Axmed. Warbaahinta waxay kasoo xigatay Keria Ibrahim "in ay isu casishay markii qoonsatay hogaamintiisa".

Dhanka kale, kadib doorashadda Aadan waxaa jagadda ku xigeenka baneeyay Mohammed Rashid oo dhankiisa kasoo jeeda Somali State.

Etsegenet Mengitu ayaa loo dhaariyey xilka ku xigeenka afhayeenka Aqalka Sarre. Talaabadan waxaa lala xiriiriyey ilaalinta awood qeybsiga qowmiyadaha. Rashiid wuxuu sheegay in uu ku farax-san yahay isbedelka.

Dhinaca kale, golaha Senate-ka ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay xukuumadda Abiy Axmed cudurka Covid-19 dartiisa. Sidoo kale, dhamaan ismaamul goboleedyadda ayaa waqti loogu daray.

Ugu dambeyntii, goluhu wuxuu meelmariyey dib-u-dhigista tirokoobka afaraad ee dadweynaha Itoobiya. Qaraar kasoo baxay Aqalka waxaa lagu sheegay in ay dhici doonto laba sano kadib markii laga adkaado Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM