"Abaabulaha" weerarkii Manda Bay oo la dul-dhigay $10 milyan

Image
Maalim Ayman ayaa la sheegay in uu yahay amiirka garabka Al-Shabaab ee gudaha Kenya.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaaraya 10-milyan oo doollar ugu yaboohay ciddii keenta xog lagu soo xiri karo Macallin Ayman, sidda ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Ameerika.

Ayman ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Ameerikaanka dagan yihiin ee Manda Bay ee Kenya bishii Jannaayo 2020-kii.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (RFJ) ayaa intaas ku daray in Ayman uu madax ka yahay garabka Al-Shabaab ee ka howlgala waddanka Kenya.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa 5-tii Jannaayo 2020 waxay beegsadeen ciidamadda Kenya iyo Mareykanka garoonka diyaaradaha Manda Bay ee gobolka Lamu.

Labo duuliye oo qandaraasleyaal Mareykan ah iyo sarkaal ku takhasusay ciidamada Mareykanka, oo u shaqeynayay maamulka hawada, ayaa ku dhintay weerarka, sidda ay xaqiijiyeen taliskooda.

Sidoo kale, qandaraasle Ameerikaan ah ah iyo labo sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa xeradda ayaa ku dhaawacmeen isla duulaankaas.

Xarunta Manda Bay waa saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Kenya balse waxaa isticmaala ciidamada qalabka sida ee Mareykanka gaar ahaan qeybta la dagaalanka argagixisada Bariga Afrika.

Ayman waxa kale oo ay Waaxda Gobolka u magacawday Argagixiso caalami ah oo Gaar ah (SDGT) bishii Noofambar 2020. Maraykanku wuxuu al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye iyo SDGT bishii March 2008.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM