"Abaabulaha" weerarkii Manda Bay oo la dul-dhigay $10 milyan

Image
Maalim Ayman ayaa la sheegay in uu yahay amiirka garabka Al-Shabaab ee gudaha Kenya.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaaraya 10-milyan oo doollar ugu yaboohay ciddii keenta xog lagu soo xiri karo Macallin Ayman, sidda ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Ameerika.

Ayman ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Ameerikaanka dagan yihiin ee Manda Bay ee Kenya bishii Jannaayo 2020-kii.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka (RFJ) ayaa intaas ku daray in Ayman uu madax ka yahay garabka Al-Shabaab ee ka howlgala waddanka Kenya.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa 5-tii Jannaayo 2020 waxay beegsadeen ciidamadda Kenya iyo Mareykanka garoonka diyaaradaha Manda Bay ee gobolka Lamu.

Labo duuliye oo qandaraasleyaal Mareykan ah iyo sarkaal ku takhasusay ciidamada Mareykanka, oo u shaqeynayay maamulka hawada, ayaa ku dhintay weerarka, sidda ay xaqiijiyeen taliskooda.

Sidoo kale, qandaraasle Ameerikaan ah ah iyo labo sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa xeradda ayaa ku dhaawacmeen isla duulaankaas.

Xarunta Manda Bay waa saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Kenya balse waxaa isticmaala ciidamada qalabka sida ee Mareykanka gaar ahaan qeybta la dagaalanka argagixisada Bariga Afrika.

Ayman waxa kale oo ay Waaxda Gobolka u magacawday Argagixiso caalami ah oo Gaar ah (SDGT) bishii Noofambar 2020. Maraykanku wuxuu al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso shisheeye iyo SDGT bishii March 2008.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM