Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas
ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku adkaystay in dalkiisa oo aan lahayn xeeb uu helo marin Badda Cas, xilli dalalka deriska ah ee xeebaha leh ay sheegeen in maamulka iyo mas’uuliyadda Badda Cas ay gaar u tahay dowladaha ku teedsan xeebteeda.
Abiy ayaa hadalkan jeediyay Isniintii kadib markii loo dhaariyay xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya muddo shan sano oo kale ah. Isagoo khudbad ka jeedinayay Baarlamaanka, ayuu sheegay in dowladdiisu ay dadaal ugu jirto sidii Itoobiya loo siin lahaa marin ay ku gaarto badda.
“Anagoo ku salaynayna mabda’a wax-is-dhaafsiga, waxaan si adag uga shaqayn doonnaa sidii Itoobiya ay u heli lahayd marin ay badda kaga baxdo,” ayuu yiri Abiy, isagoo ku tilmaamay helitaanka marin badeed arrin muhiim u ah dalka.
Itoobiya ayaa lumisay marin-badeedkeedii tooska ahaa sanadkii 1993, markii Eritrea oo hore uga tirsanaan jirtay Itoobiya ay xornimada qaadatay. Tan iyo xilligaas, Itoobiya waxay inta badan ganacsigeeda badeed ku maamushaa dekedaha dalalka deriska ah, gaar ahaan Jabuuti.
Hadallada Abiy ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka Itoobiya iyo qaar ka mid ah dalalka deriska ah uu sii xumaanayo. Addis Ababa waxay Eritrea, Masar iyo Suudaan ku eedeysay inay taageerayaan xoogagga mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ee gobolka Tigray. Dalalkaas ayaa beeniyay eedeymaha.
Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda. Khilaaf kale oo u dhexeeya Itoobiya iyo Masar iyo Suudaan ayaa ka taagan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee GERD iyo isticmaalka biyaha webiga Nile, iyadoo labada dal ee hoose ay si weyn ugu tiirsan yihiin webiga.
Axaddii, hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ku kulmay magaalada New Alamein ee Masar, iyagoo soo saaray bayaan ay ku sheegeen in maamulka Badda Cas uu yahay masuuliyad gaar ah oo ay leeyihiin dowladaha xeebaha ku yaalla. Waxay sidoo kale ka digeen tallaabooyin waxyeello u geysan kara isticmaalka Masar iyo Suudaan ee biyaha Nile.
Maalintii xigtay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxay sheegtay in dood kasta oo ku saabsan Badda Cas ay tahay inay tixgeliso “danaha sharciga ah iyo xiriirka joogtada ah” ee Itoobiya ay la leedahay baddaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galay shirkii New Alamein, ayaa Abiy ugu hambalyeeyay xilka cusub, isagoo sheegay inuu doonayo in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya ay marin badeed uga hesho dhulka Soomaaliya, balse arrintaas ay tahay in labada dowladood si rasmi ah uga wada xaajoodaan, iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Hadallada Abiy ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo cusub ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan Tigray, halka xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu sidoo kale galay marxalad xasaasi ah kadib markii labada dal ay jareen xiriirkoodii diblomaasiyadeed.
Xaaladda ayaa Badda Cas iyo Geeska Afrika ka dhigtay meel ay isugu yimaadaan khilaafaadyo la xiriira marin-badeed, amni, biyaha Nile iyo colaadaha gobolka. Itoobiya ayaa sheegaysa inay doonayso marin badeed iyadoo loo marayo wada-xaajood iyo iskaashi, halka dalalka xeebaha leh ay adkeeyeen doorkooda gaarka ah ee maamulka Badda Cas.
GAROWE ONLINE