Abiy Axmed iyo Xaaskiisa oo loo ogolaadey inay korsadaan canug aysan dhalin

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Maxkamada heer Federaal ah ayaa u ogolaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo marwada 1aad ee dalkaasi, Zinash Tayachew, inay kor-sadaan canug aysan dhalin oo loo baxshey magaca "Million".

Wiilkan yar ayaa in mudo ah ku xeersnaa xarunta lagu xanaaneeyo ogoonta ee Kibebe Tsehay, taasi oo ku taala magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Aqbalaada maxkamada ayaa ka dambeysay markii codsi ay gudbisatay Zinash, taasi oo xukunka kadib la hadlay wariyaasha iyada oo sheegtay inay wiilka uhibeyn doonan kal-gaceyl iyo xanaaneen.

Bishii hore ee Janaayo 22-deeda ayay ahayd markii qoyska Abiy u gudbiyeen maxkamada dalab ah in loo ogolaado korsiimada Ubadkaan.

Dhanka kale, Meaza Ashenafi, madaxwaynaha maxkamada sare ee Itoobiya ayaa hambalyo ku aadan arrintaan u dirtay Zinash iyo Dr Abiy.

"Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha iyo marwada 1aad waa ay ku daysan karaan dadka Itoobiyaan si ay uga faa’ideystaan caruurta la dayacay," ayay hadalkeeda kusii dartay Meaza Ashenafi.

Shacabka reer Ethiopia ayaa si wayn u hadalhaya arrintaan, iyaga oo is-waydiinaya sababta, maadaama Abiy iyo xaaskiisa ay haystaan caruur, inkasta oo kuwa taageersan ay ku bogaadinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM