Abiy Axmed oo booqasho uga billaabatey dalal ku yaalla Yurub

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Faransiiska, halkaasi uu uga billaabatey booqasho uu ku tagayo dalal ku yaalla Yurub.

Waxuu Axmed Axmed magaalada Paris kula kulmi doonaa Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ay kawada hadli doonaan arrimo ku saabsan xiriirka labada dalka iyo sidoo Faransiiska u xoojin lahaa maal-gashiga Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa Lugta labaad ee safarkiisa ku tagi doona Jarmalka, isagoo la filayo inuu wadahadal la yeesho dhigiisa dalkaasi Angela Merkel.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Abiy Axmed uu kulan gaar ah la qaato in ka badan 25,000 oo Ganacsato kasoo jeeda dalalka Yurub, oo ku dhiira-gelin doon maalgashiga Itoobiya.

Socdaalka Abiy Axmed ee Yurub oo loogu magacdaray "Wadajir aan ku dhisno mustaqbalka" ayaa timid kadib markii uu casuumaad ka helay hogaamiye-yaasha qaar ee dowladaha Yurub, oo daneeya arrimaha Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM