Abiy Axmed oo dalbadey la kulanka madaxweynaha Eritrea

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah shaaca ka qaadey in uu doonayo la kulanka madaxweynaha waddanka deriska la ah ee Eritrea.

Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in uu rabo in Isaias Afwerki uu kala xaajoodo sidii dib loogu bilaabi lahaa dedaalada nabada ee hakadka ku jira.

"Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo Itoobiyaanka iyo dadka Eritrea, waxaan doonayaa in aan si gaar ah ugu mahadceliyo madaxweyne Isaias Afwerki," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Abiy Axmed ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaana rajeynayaa in aan dhowaan kulmi doono [Afwerki]".

Hadalkan ayuu Abiy u sheegay warbaahinta markii uu maanta dib ugu laabtey Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa kasoo laabtey Norway, halkaas oo lagu soo gudoon-siiyey abaalmarinta nabadda caalamka, taasoo uu ku muteystay soo afjarida colaadii Itoobiya iyo Eritrea.

Isaias iyo Abiy oo talaabada ay qaadeen uu caalamka soo dhaweeyay ayaa markii ugu dambeysay kulmay bishii July ee 2019, xilligaas oo ay isku arkeen Asmara, magaalo madaxda Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM