Abiy Axmed oo iska indha-tiray wadahadalkii telefoonka ee Farmaajo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha waddanka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ka fogaadey in uu Twitter-kiisa kusoo hadal-qaado wadahadalo dhanka telefoonka oo uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyey in shalay ay kawada hadleen Abiy siddii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortagga fayruska Corona oo kiisas la xiriira laga helay labada waddan ee deriska ah.

"Wadajirka waxaan kaga bixi karnaa dhibaatada," ayuu kusoo gabagabeeyay hadakiisa madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.

Balse xaqiiqada layaabka leh ayaa ah in Abiy uusan Twitter-kiisa ku shaacin wadahadalkaas xili uu soo bandhigay hogaamiyeyaal kale oo uu telefoonka kala xaajoodey arrimo uu Covid-10 kamid yahay.

Madaxweyneyaasha Turkiga, Recep Tayib Erdogan, iyo Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayuu Abiy soo bandhigay in uu telefoonka kula hadlay.

Lama ogga sababta ka dambeysa talaabada uu Abiy isaga indha-tiray wada-xaajoodka Farmaajo, waxayna dhalisay su'aallo iyo hadalheyn badan.

Labadan hogaamiye ayaa xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana ay kawada shaqeynayaan mashruuca is-dhexgalka gobolka Geeska qaaradda Afrika kaasoo caqabado la kulmay.

Balse bishii hore waxaa soo kala dhex-galay mugdi  markii Soomaaliya ay taageertay qaraar ku saabsan is-haysiga webiga Nile kaasoo lagu cambaareeyay xukuumadda Addis Ababa laguna taageerayo Masar.

Villa Soomaaliya ayaa ka noqotay go'aankaas kadib cadaadis kaga yimid Abiy Axmed. Mucaaraadka gudaha way caambaareeyeen talaabada xukuumadda Muqdisho.

Ra'iisul wasaare Khayre wuxuu u duulay Addis Ababa "si uu u muujiyo in Soomaaliya ay garab taagan yahay maamulka Abiy".

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Abiy, ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ayaa ku lug-yeeshay falal siyaasadeed oo loogu daneynayo maamulka Farmaajo sidda; faragelinta gobolka Gedo iyo doorashadii Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM