Abiy Axmed oo la kulmay Xisbiyadda Siyaasadda, balan-qaadeyna doorasho xor ah

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa bilaabay kulamo wada tashi ah oo uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha xisbiyadda siyaasadda dalkaasi maanta oo Talaado ah.

Qiyaastii 81 xisbi, oo ay ku jiraan kuwii ku soo noqdey dalka dhawaan markii uu isbedelka ka dhacay, ayaa ka qaybgalay shirka, oo ka furmay xafiiska Ra'iisul-wasaaraha, ee magaalada Addis Ababa.

Wadatashiga wuxaa diiradda lagu saarayaa dib u habeynta loo baahan yahay in la sameeyo si loo xaqiijiyo in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo xor iyo caddaalad ah, lana wada yeesho mas'uuliyad wadaaga.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisa ay ahmiyad siinayso wada-xaajoodka rasmiga ah ee xisbiyada siyaasadeed, si dalka uu cagta u saaro hanaan dimuqraadiyeed, lagana saaro kala qeybsanaanta iyo colaadaha axilliga jira.

Wuxuu sheegay in wada tashiga maanta uu diiradda saari doono sida iyo goorta loo qabanayo wada-xaajoodyada xisbiyada iyo sidoo kale sida loo xallin lahaa arrimaha gudaha iyada oo loo marayo wadahadal.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa xusay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya (NEBE) uu isticmaali doono fikradaha lagu kordhin doono ee kasoo baxa wadahadalka maanta oo ah calaamad joogta ah si loo qorsheeyo barnaamijkiisa.

Ugu dambeyntii, wuxuu Abiy Axmed ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay wadajir uga shaqeeyaan maslaxadda dalka iyada oo aan loo eegin fikradahooda iyo khilaafaadka istiraatiijiga ah.

Saxafiyiinta ka socda warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah ayaa goobjoog ka ahaa doodii maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM