Abiy Axmed oo Muuse Biixi kala hadlay xiriirka uu la yeelanayo DFS

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa xafiiskiisa magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ku qaabilay madaxwaynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi heer wasiiro ah oo uu horkacayo.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskuna afgartay arrimo badan oo muhiim ah, kuwaasi oo ay ku jiraan xiriirka labadda shacab, xaqiijinta badqabka Itoobiyaanka ku nool Somaliland iyo wadashaqehnta dhow oo amniga iyo nabada ah.

Abiy iyo Biixi ayaa isla soo qaaday cilaaqaadka uu maamulka Hargeysa la yeelanayo dowlada dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo waqti xaadirkaan aanu wanagsaneen, inkasta oo ay socdaan dadaalo lagu hagaajinayo.

Hogaamiyaha Somaliland ayaa bogaadiyay isku-deyada Abiy ee ku wajahan isdhexgalka gobolka, isaga oo ogolaaday dalab ku aadan in uu xoojiyo wadasheyn dhow oo uu maamulkiisu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya.

"Iyada oo taasi laga duulayo, waxay ku heshiiyeen in laga wadashaqeeyo kulamo fool ka fool ah oo ay yeeshaan [Somalia iyo Somaliland] mustaqbalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed.

Gabagabada wadahadalkooda, labada masuul ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay isticmaalka dekada iyo cilaaqaad dhaqaale oo ay yeeshaan, sida ku cad bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia.

Waa markii ugu horeysay oo uu tago Muuse Biixi wadanka Itoobiya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Abiy bishii April ee sanadkii hore 2018, iyada oo wixii markaasi ka dambeeyay la sheegay in uu hoos-u-dhacay xiriirka Ethiopia iyo Somaliland.

Itoobiya ayaa kamid ah wadamada dariska la ah Soomaaliya kuwaasi oo xiriir ganacsi oo ay faa’ido ku qabaan la leh Somaliland, oo sheegata in ay ka madax banaan tahay JFS tan iyo 1991-dii, wallow aan ictaraaf helin.  

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM