Abiy Axmed oo warqad raaligelin ah u diray Bangiga Horumarinta Afrika

Image
Xiriirka Itoobiya iyo Bangiga ayaa si weyn hoos ugu dhacay 19-ka Diseembar 2023.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa sheegay in uu "raali-gelin rasmi ah ka helay" Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed "isagoo ku hadlaya magaca dawladda Itoobiya".

Sida laga soo xigtey AfDB, tani ayaa waxay keentay in bangiga uu go'aansado in dhammaan shaqaalihii caalamiga ahaa ay uu dib u bilaabaan shaqadooda ​​caadiga ahayd ee Itoobiya.

AfDB oo ka howlgala inta badan dalalka qaarada Afrika waxa ay Itoobiya kala baxday dhammaan shaqaalihiisa caalamiga ah taariikhda markii ay ahyad 19-ka Diseembar 2023.

Go'aankaas yaaa yimid markii laba ka mid ah shaqaalaheeda fadhigoodu yahay Addis Abeba la xiray, jir dil loo geystay oo saacado badan xabsiga ku hayeen xubno ka tirsan ciidamada ammaanka.

Illaa haatan, fahfaahin rasmi ah lagama bixin waxyaabaha dhabta ah ee sababay talaabadaas. Warbaahinta Itoobiya ayaan wax tafaasiil ah ka bixin dhacdadaas iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM