Abiy oo booqasho laba maalmood uga bilaabatay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Arbacada maanta ah waxaa waddanka Kenya uga bilaabatay booqasho qaadan doonto muddo laba maalmood ah, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Abiy Axmed wuxuu kusoo dhaweeyay magaaladda xuduudka ku taala ee Mooyaale. Mas'uuliyiin ka tirsan labada dhinac waxay goobjoog ka ahaayeen soo dhaweynta.

Ujeedka safarka waxaa lagu sheegay daahfurka waddooyin. Balse, madaxtooyadda Kenya waxay shaacisay in kahor inta aysan wadahalku dhicin ay madaxdu kormeeri doonto mashaariic horumarin.

Mashaariicdaas waxaa kamid ah dhisme ku socda dekadda ismaamul goboleedka Lamu, taasoo kamid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee maamulka Uhuru sidda weyn isha ugu hayo doonayana in uu dakhi ka sameeyo.

Socdaalka Abiy ayaa kusoo hagaagaya xilli waqoyga Itoobiya ay ka oogan tahay colaad galaaftay nolosha boqolaal kuna barakaceen malaayiin kale. Dagaalka oo holcaya ku dhowaad saddex asbuuc ayaan wali joogsan.

Maamulka Abiy oo guulo ka sheegtay colaadda ayaa tilmaamay in uu la wareegay caasimadda ismaamulka Tigray ee Mekelle. Balse xoogaga laga taag-roonaadey ee TPLF waxay ku goodiyeen in ay sii dagaalamayaan.

Xoogaga TPLF iyo maamulka Abiy ayaa isku-maandhaafay qabashadda doorashooyinka baarlamaanka oo loo madalsanaa August, 2020 balse dib loogu dhigay Covid-19 awadiisa, wallow mucaaradka uu ku gacan-seyray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM