Abiy oo ka dambeeyay in uu Farmaajo la hadlo Uhuru Kenyatta

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa wadanka Kenya ayaa shaaciyey qaabka uu ku yimid wadahadalkii dhanka telefoonka ee dhexmaray madaxweyneyaasha dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

5-tii bishaan March, 2020 ayay ahayd markii Villa Soomaaliya ay baahisay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay khadka telefoonka kaga arrinsadeen amniga sohdinta labada dal.

Sidda ku xusan warbixinta majalada, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ka dambeeyay wadahadalka labada hogaamiye oo kusoo aadey xili labada wadan ay hawada isu-mariyeen eedeymo.

Jaraa'idka ayaa wuxuu daaha ka rogay in Mareykanka uu Abiy Axmed Cali ka codsadey in uu dhexdhexaadiyo Farmaajo iyo Kenyatta.

Illo wareedyo uusan carabaabin ayuu kasoo xigtay Abiy uu wacay Farmaajo isla markaana uu waydiistay in uu si toos ah ula hadlo Uhuru.

Wicitaanka toos ah ayaa la odorasay in ay hoos u dhigi karto xiisadda, oo laga digay in ay ka faa'iideysato kooxda Al-Shabaab.

Kadib dagaal khasaaro sababay oo xadka ku dhexmaray ciidamada Jubaland iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya, Muqdisho iyo Nairobi ayaa isku eedeeyay "faragelin iyo xadgudub dhuleed".

8-da March, 2020, waxaa Muqdisho ka degay wafdi uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Kenya, kaasoo madaxweynaha Soomaaliya ku wareejiyay martiqaad uu ka sidday Uhuru.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in uu dhowaan u socdaalo magaala madaxda Kenya ee Nairobi, halkaasoo uu wadahadalo kula yeelanayo dhigiisa Uhuru Kenyatta kana wadaxaajoon doonan arrimo la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM