Abiy oo ka jawaabay cabashada Trump ee guushiisa Nobel Peace Prize

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii ugu horeysay si furan kaga jawaabay hadal kasoo yeeray Donald Trump oo ku saabsan ku guuleysigiisa Nobel Peace Prize.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa muujiyey in uu cabasho ka qabo qaabka uu Abiy ku hantay biladan, sanadkii hore 2019-ka.

Trump oo qadiyadan soo hadal-qaadey todobaadkii hore ayaa sheegay in isaga uu yahay qofka u qalmay in la siiyo abaalgudkan.

Isagoo kasoo muuqday shir jaraa'id kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Koonfur Afrika, wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa meesha ka saarey "in loo gacan-bidaxeeyay".

"War uma hayo qaabka iyaga [guddiga] ku xushaan ama ku doortaan qofka ay siinayaan bilada, hadii madaxweyne Trump cabasho yahay, meesha uu la aadayo ma ahan Itoobiya waa Oslo," ayuu yiri.

Guddiga sarre ee bixiya abaalmarintaan oo fadhigoodu yahay Oslo, caasimadda dalka Norway, ayaa sheegay in Abiy uu ku muteystay doorkiisa nabadeed ee Eritrea.

Abiy Axmed oo xafiiska ku yimid isbedelkii ka dhacay Itoobiya bishii April, 2018, ayaa soo afjaray colaad muddo ka dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea, talaabadaas oo sidoo kale saameyn ku yeelatay gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM