Abiy oo mar kale ka hadlay arrin quseysa Soomaaliya iyo Somaliland

Image
Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Arbacadii magaalada Jigjiga uga qaybgalay xiritaanka shirwaynihii 10aad ee xisbiga ka arimiya degaanka Soomaalida.

Abiy Axmed ayaa madasha ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaalada gobolka, waxa u qabsoomay maamulkiisa iyo hadafyada uu hiigsanayo.

Ugu horeyn, wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ayaa bogaadiyay wax-qabadka illaa iyo haatan ee maamulka degaanku sameeyay.

Madaxda gobolka ayuu ku tartarsiiyay in ay xoojiyaan shaqo abuurka, ciribtirka musuq-maasuqa iyo sare u qaadida nidaamka waraabka.

"Waxaan soo dhaweynayaan dadaalada xasilinta ee ilaa iyo haatan ka socda gobolka, waana in horey looga sii dhaqaaqaa," ayuu raaciyay.

Waa socdaalkii labaad oo uu Abiy ku tago xarunta dowlad degaanka. Maalmo kadib doorashadiisa ayuu bixiyay safarkiisii koowaad.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa koowaad, odayaasha dhaqanka ayuu sheegay in ay ka codsadeen in uu kala dhex-galo dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

"Anigoo ka jawaabaya dalabkaasi, dowladeyda waxay bishii hore bilowday in ay nabad ka dhex-dhaliso labada dhinac," ayuu ku faanay Abiy Axmed.

Madaxwayne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa dhowaan si yaabo gaar-gaar ah kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, iyagoo kawada hadlay wadahadalada dhex-maraya.

"Xasilinta labada dhinac [Soomaaliya iyo Somaliland] waxay muhiim u tahay gobolka Geeska Afrika," ayuu kusoo xiray hadalkiisa Abiy Axmed.

Hadalka Abiy ayaa kusoo aadaya iyada oo lagu rajo wayn yahay in dhowaan ay mar kale kulmaan madaxwayne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi si ay u bilaabaan geedi u socodka wadaxaajoodka labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM