Abiy oo u digay Beesha Caalamka xilli colaada Tigray ay sii cuslaatay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowlada Itoobiya ayaa ka digtay faragelin ay dalalka caalamka ku sameeyaan dagaalka gobolka Tigray waxayna xustay inay awood u leedahay inay xalliso khilaafaadkeeda.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in dalkiisa uusan u baahnayn wax caawimaad ah isagoo ku booriyey Beesha Caalamka "in ay ka waantowdo faragelinta".

"In kasta oo aan tixgelinayno walaaca iyo talo-siinta saaxiibbadeen, waan diidnay in la fara-geliyo arrimaheenna gudaha," ayuu yiri Abiy. "Sidaas darteed waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa bulshada caalamka inay ka waantoobaan wax kasta oo faragelin ah oo aan la soo dhoweynaynin iyo sharci-darro ah isla markaana waa in la ixtiraamo mabaadi'da aasaasiga ah ee faragelin la'aanta sharciga caalamiga ah".

Hadalkan ayaa daba socda dalabyadda caalamiga ah ee ku aadan in dhinacyada iska hor imaadka u dhaxeeyaan ku booriyey inay oggolaadaan kaalmo bani'aadamnimo oo la gaarsiiyo dadka u baahan.

Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa Talaadadii u sheegay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen in dalkiisu aqbalo faragalinta Midowga Afrika una ogolaado in gargaarka la soo gaarsiiyo degaanada colaaduhu ka jiraan.

"Farriinta Midowga Yurub waa mid cad: waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dejiyaan shuruudo sahlaya in si dhib la’aan ah loo gaarsiiyo dadka u baahan, joojinta dagaalada, faragelinta koox kasta oo dibadda ah, iyo xorriyadda saxaafadda," ayuu yiri Borrell.

Shirkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayey arrimaha Itoobiya ayaa qabsoomi waayey Talaadadii kadib markii ay soo baxeen diblomaasiyiin codsaday in la siiyo waqti dheeri ah si loogu oggolaado Midowga Afrika in uu arrintan uga jawaabo.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa tan iyo markii ay colaadda qaraxdey waxay diidan tahay faragalinta Midowga Afrika balse waxay saraakiil sare u dirtay urur goboleedka IGAD iyo EU-da ama Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM